Scroll to Top

Akshey Kumar Oo Sameeyndoona Filim Ka Sheekeynaya Taariikhda Gulshan Kumar Balse Akshey Kumar Kuma Qanacsana.

Waxaa Qoray Maxamuud Jamuuni / Waxaa La Daabacay Wednesday, 06 Dec 2017 15:55 PM / No Comments

Kadib markii uu guulo waa weeyn gaaray filimkiisa Toilet : Ek Prem Katha Akshey Kumar ayaa si isdaba joog ah usoo saaridoona filimaan kale weliba labada sano ee soo socota.

Mid kamidah waxaa la go’aamiyey in sanadka cusub ee 2018 la sameeyo waana filimka Mogul.

Filimka Mogul waxaa uu ka sheekeyndoonaa taariikhda Gulshan Kumar, waxaana filimka diyaarinaya oo Director ka ah Subhash Kapoor.

Akshey Kumar ayaa laga yaabaa inuusan si fiican kaga qanacsaneyn sheekadaan sababtoo ah waxaa uu jilaagaan diidayaa inuu ku fashilmo jiliinka qof kale taariikhdiisa.

Sida uu warinaya Mid-day jilaagaan ayaa sheegay in waqtiga filimkaan uu ku sameynsan lahaa filimkaan kale , mxaa yeelay wxaa laga doonayaa inuu muuqaal ahaan ka duwanadaado sida uu hadda yahay.

Marka sheeko ahaan la fiiriyo filimkaan , waxaa uu u baahnaandoonaa waqti badan , sababtoo ah waa in heerar kala duwan loosoo maraa.

Akshey Kumar sida aan wada ognahay ma baran inuu bilooyin uu hal filim sameeyo , waxaana filimkiisa ugu badan uu sameeyaa laba bilood.

‘’Akshey Kumar ayaa sameyndoona, balse isaga weli ma helin fursad uu kaga sheekeeyo diyaar garwgiisa filimkaan , waxaana macquul ah inuu wax badan cabasho soo gudbiyo’’ ayuu laga haayaa illo ku dhow dhow jilaagaan.

Balse Director-ka ayaa sheeko ahaan filimkaan waxaa uu la jeclaaday Akshey Kuamar , waxaana uu aminsan yahay in shaqadaan aan jilaa kale qabankarin

Si walba waxaa hadda la xaqiijiyey in howsha filimkaan ay bilaabaneyso waxaana lagu hoos qoray in Akshey Kumar uu yahay jilaaga filimkaan sameyndoono.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *