Scroll to Top

ARIAMAHA QOYSKA: Shan Waxyaabood Oo Mar Walba Looga Baahan Yahay In Hooyada Ay Ku Bar Baariso Caruurta Ka Hor Inta Aysan Qaan-Gaarin(WARBIXIN).

Waxaa Qoray Maxamuud Jamuuni / Waxaa La Daabacay Thursday, 30 Nov 2017 16:59 PM / No Comments

Caruurta waa ubaxa guriga waxaana mar walba macalin u ah hooyada guriga sidaas darteeda waxaa looga baahan yahay in mar walba ay hooyada ku bar baariso caruurta wax walba oo wanaagsan.

Warbixintaan waxaa ay cadeeyneysaa waxyaabaha hooyada laga rabo inay ku caawiso caruurteeda ka hor inta aysan qaan gaarin.

Caruurta ilaa da’da 15 sano jirka waa la xakameynkaraa sababtoo ah waxaa ay xilligaas ku jiraan da’da bar baarinta , Haddaba Hooyo Walba Waxaa Laga Doonayaa Inay Raacdo Tallaabooyinkaan:-

 

1-Ku Tarbiyeeynta Waajibaadka Alle: Hooyada waxaa looga baahan yahay in caruurta ay ku abaabiso waddada saxan , gaar ahaan in guriga lagu baro wajibaadka Alle , sida salaada iyo in la fahamsiiyo faa’idada.

2-Xushmadda:Hooyada marka ugu horeeysa waxaa laga doonaya in caruurta ay ku baraarujiso xushmada oo ay u sheegto inay xurmeeyaan qofka ka da’ weyn kana xishoodaan , maxaa yeelay haddii aan lagu abaabin xilligaas waxaa macquul ah inay waalidkooda ka hor imaadaan.

3-Nadaafadda:Waa waajib in caruurta mar walba ay ahaadaan kuwa soo jiidasho leh oo ku dadaalaan nadaafadda jirkooda , waxaana hooyada looga baahan yahay inay ka fikirto nadaafada awlaada.

4-Aadaabta:Waa meesha ugu xamaasada badan in caruurta ay ahaadaan ku aadaab leh oo aan ku war celin dadka ka waa weeyn , waxaa sidoo kale muhiim ah in la baro xushmeynta dadka waa weeyn.

5-Dhiiro Gelin:Sidoo kale hooyada waa muhiim in caruurta ay dhiiro geliso oo mararka qaar ay u sheegto in looga baahan yahay inay noqdaan kuwa ay saaran tahay mas’uuliyad sababtoo ah mar walba waxaa loo baahan yahay in caruurta maanka ku haayaan xilliga ay weynaadaan in laga rabo waxyaabo badan.

FG: Keliya Intaan Kuma Koobno Waxyaabaha Looga Baahan Yahay Hooyada Ee Kuwa Badan Waa Ay Jiraan Balse Intaan Waa Inta Ugu Muhiimsan…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *