Scroll to Top

CAJIIB: Shirkadda Facebook Oo Dhawaan Soo Bandhidoonta Laba Barnaamuj Oo Cusub (Mid Kamid Ah Ayaa Kuu Ogolaanaya In Facebook Aad Lacag Ka Dirto)

Waxaa Qoray Maxamuud Jamuuni / Waxaa La Daabacay Tuesday, 05 Dec 2017 09:23 AM / No Comments

FACEBOOK : Waa Aalada hadda ugu badan ee la isticmaalo Social Meddia kaas oo la aas aasay 2005  , waana mid kamid ah Application-da la isticmaalo midka ugu xamaasada badan.

Maalinba wax ayaa lagu soo kordhiyaa waxaa ay hadda wararka sheegayaan in laba aragti lagu soo daridoono Facebook , mid kamid ahna dadka oo dhan ayey anficidoontaa.

Aragtiyaha lagu soo daridoono aaladda facebook waxaa kamid ah ”red envelope” waa warqad casaan ah ama qaab bashqad ah u sameeysan waxayna kuu sahleysaa inaad lacag ku dirto waqradaas, iyo ”Beaking News”wararka deg deg ah si qof walba oo isticmaala aaladaan ula socdo waxyaabaha ka dhaca aduunka.

Labadaan aragti si rasmi ah looma faafaahiin balse waxaa la dareemayaa inay yihiin kuwa loo baahan yahay gaar ahaan in adigoo facebook-gaaga isticmaalaya lacag dirto.

Matt Navarra oo agaasimaha dhanka warbaahinta  ayaa aragtidaan iska leh balse madaxa guud ee shirkada facebook ma faah faahin.

Sida uu qoraayo wargeyska RECORD  xubno sare oo ka tirsan shirkadaan facebook waxay sheegeen inaan hadda la faahfaahindoonin arintaan.

”Facebook waxaa lagu soo kordhiyaa mar walba wax cusub , balse diirada ma saaridoono inaan hadda sii faahfaahino.

Horaanta sanadkaan shirkadda Facebook waxaa ay soo bandhigtay barnaamuj (App) kaas oo kuu fududeeynaya inaad lacag kala baxdo balse si guuud looma fasixin, waxaase laga yaabaa in midkaa la hormariyey.

Waxaa la sugidoonaa qaabka uu u shaqeyndoono Application-kaan  iyo xilliga saxda ah ee lasoo bandhigidoono.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *