Scroll to Top

CAJIIB:Barnaamij Loo Sameeyay Ragga Doonaya Inay Guursadaan Laba Xaas Iyo Ka Badan

Waxaa Qoray Maxamuud Jamuuni / Waxaa La Daabacay Friday, 10 Nov 2017 09:06 AM / No Comments

Nin hor mariya Barnaamijyada Kumbiyuutarka oo u dhashay waddanka Indonesia, laguna magacaabo Lindu Pranayama ayaa sameeyay barnaamij (Application) aad ka dhex heli karto Play Store-ka taleefoonnada casriga ah ee ku shaqeeya Android-ka, waxaana barnaamijkani lagu magacaabaa ‘AyoPoligami’ waxaana uu u gaar yahay ragga xaaska leh ee doonaya in ay helaan xaas labaad, saddexaad ama afaraad.

“Markii ragga xaaslayaasha ahi ay galaan bogagga la isku shukaansado, kuma arkaan qayb iyaga ku haboon oo leh riix halkan haddaad doonayso xaas 2’3’4, sidaa darteed ayaana barnaamijkan u sameeyay si ay uga helaan xaasas kale qoysaskoodana u ballaariyaan” ayuu yiri Lindu.

Dad badan oo Reer Indonesia a ayaa soo dhoweeyay barnaamijka ‘AyoPoligami’, maadaama Indonesia oo shacabkeedu gaarayo 260 Milyan oo qofood, 80% ay haystaan diinta Islaamka ayaa waxaa laga oggol yahay in ninka ragga ahi illaa 4 dumar ah uu guursan karo, waase haddii xaaska 1’ ay raalli ka tahay.

Illaa iyo haatan 50,000 oo jeer ayaa la dejistay ama la download gareystay barnaamijkan oo ay rag badan sheegeen in ay ka faa’iideen halka sidoo kalena qaar badan oo bulshada Indonesia ka tirsan ay mucaaradeen kuna tilmaameen barnaamij dumarka lagu cadaadinayo, xuquuqdoodana lagu duudsiinayo isla markaana loogu caga jugleynayo in ay oggolaato in uu ninku xaasas kale la guursado.

W/Q: Haaruun Yuusuf Khasaaro.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *