Scroll to Top

DAAWO MUUQAALKAAN: Iskuul Ku Yaala Magaalada Mumbai Ee Dalka India Oo Ardeyda Dhigato Lagu Qasbo In Labada Gacmood Ay Wax Ku Qoraan (Waa Farsamo Cusub )

Waxaa Qoray Maxamuud Jamuuni / Waxaa La Daabacay Tuesday, 31 Oct 2017 14:04 PM / No Comments

Inta badan Ardeyda waxbarta waxaa ay leeyihiin Heybad gaaar ah gaar ahaan Ardeyda awooda uleh inay gacanta bidixda wax qoraan xilliga waxbarashada lagu jiro.

Balse mid kamid ah Iskuulada kuyaalo India waxaa la arkaa in inkabadan 300 Ardeyda oo iskuul dhigtaan lagu qasbay ama lagu cadaadiyo inay bartaan qaabka wax loogu qoro labada gacan.

Veena Vandini School oo ku yaala magaalada Mumbai ayaa xooga saaraya sidii uu Ardeyda ay u baran lahaayeen qaabka wax loogu qoro labada gacan.

Askarigii hore iyo sidoo Aasaasha Iskuulka Veena Vandini ee ku yaala Mumbia ayaa soo hindisay aragtidaan ,waxaana uu kaga dayaday Madaxweeynihii ugu horeeyey ee India Rajendra Prasad kaas oo ahaa madaxtinimada India intii u dhexeeysey 1950 to 1962 inuu ahaa shaqsi labada gacmood ku qora.

”Waxaan aqriyey Jornaal kaas oo ku qornaa in Madaxweeynihii ugu horeeyey ee India uu ahaa shaqsi labada gacmood wax ku qora , kadib waxay igu dhiiro gelisay inaan talaabadaan ku dhaqaaqo,waxaan isku dayayaa in qaabkaa aan u tababaro Ardeyda.

‘’Tababarkaan waxaan ka bilownay Ardeyda dhigata iskuulka , waxaana hada ay marayaan Class-ka 3aad, waxaana ay awood u leeyihiin in labada gacmood wax ku qoraan.

45 Daqiiqo maadaama ay tahay xisadii waxaa dhacda in iskuulka 15 daqiiqo kamid ah la sameeyo Baraatiko qoraal labada gacan ah , sidaas darteeda waxaa uu barnaamujka noqday mid si weeyn loo xiiseeyo.

Daawo Muuqaalka Hoose:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *