Scroll to Top

DEG DEG: BBC –da Oo Baahisay Inuu Dhintay Jilaaga Caanka Ah Ee Amitabh Bachchan(Ali Dheere) & Xaqiiqda Warkaan…

Waxaa Qoray Maxamuud Jamuuni / Waxaa La Daabacay Tuesday, 05 Dec 2017 14:03 PM / No Comments

Maanta dhamaan shaashada India waxaa laga baahinayaa dhimashada mid kamid ah jilaayaashii ugu caansanaa Bollywood-ka,  waxaana murugada qoyska Shashi Kapoor la qeybsadeen jilaayaal badan.

Shashi Kapoor ayaa dhintay isagoo 79 sano jir ah waxaana uu kamid ahaa jilaayaasha filimada dareenka xambaarsan soo saaraan xilligii hore.

Marka laga soo gudbo dhimashada , warbaahinadda baahiyeen dhimashadaan waxaa kamid ah BBC oo kamid ah warbaahinadda caalamiga ah , waxaana ay isku qaldeen jilaaga dhintay iyo qofka ay baajiyeen.

BBC qeybta English-ka ayaa sawiro iyo muuqaalo qaldan ka baahisay dhimashada Shashi waxaana ay sawirada iyo muuqaalada ay baahiyeen kamid ah Amitabh Bachchan gaar ahaan heesta caanka ah ee Kabhi Kabhi (1976).

Waxaa ay ku wareereen muuqaalka jilaaga dhinta iyo midka ay usoo qaateen , markale ay soo qaateen muuqaal iska kooban oo ka turjumaya dhimashada waxay ku qaldeen markale  Rishi Kapoor.

BBC ayaa barteeda Twitter-ka kusoo qortay inuu dhintay Shashi waxaa ay raacsiiyeen muuqaal kooban balse isaga ma ahan muuqaalka , waxaana ay ka bixiyeen kadib raali gelin.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *