DEG DEG: Mid Kamid Ah Siyaasiyiinta Ugu Caansan India Oo Diidan In Caalamka Lagu Baahiyo Sheekada Filimka Padvamati , Xitaa Haddii Guddiga Turxan Bixinta Ay Fasaxeen!!!

DEG DEG: Mid Kamid Ah Siyaasiyiinta Ugu Caansan India Oo Diidan In Caalamka Lagu Baahiyo Sheekada Filimka Padvamati , Xitaa Haddii Guddiga Turxan Bixinta Ay Fasaxeen!!!

Kadib maalmo markii guddiga turxan bixinta aflaanta Bollywood-ka ee Central Board of Film Certification (CBFC) ay fasaxeen in la daawankaro filimka Padvamati , sidoo kale turxan bixin badan lagu sameeyey oo laga jaray sawiro iyo muuqaalo , si lamid ah waxaa la beddelay magaca filimka si loo helo halka saxda ee filimkaan qarashka badan galay lagu daawan lahaa.

Balse waxaa dhacday in Rajasthan oo ah siyaasiyiinta ugu caansan India , sidoo kalena ay tahay wasiir  , waxaa ay soo jeedisay inaan la daawanadoonin filimkaan , oo aysan marna ogolaandoonin in sheekada filimkaan lagu baahiyo tiyaatarada caalamka.

‘’Filimka laguma daawandoono shaashadaha caalamka , Rani Padmini ayaa sharafteeda lagu dhaawacayaa , anagane ma ogolaandoono in sidaa ay dhacdo, marna kama yeelidoono in sharafta Rani hoos loo dhigo,’’ ayey sheegtay Rajasthan.

Rani Padmini ama sida caanka ah  ee loo yaqaan waa Padmavati waana boqoradda loogu magac daray filimka , balse magacaan waa la beddelayaa , waxaan ay Padmavati nooleeyd ama ay jirtay qarnigii 13 – 14aad  waxayna xilligaas ahayd boqoradda India , waxaa booskaas filimka ku jileysa Deepika.

Filimkaan waxaa uu sababay muran badan , sidoo kale bilooyin badan ayaa la isku heystay in filimkaan la saaro tiyatarada aduunka , kadib 3 bilood markii laga dhaadhiciyey guddiga turxan bixinta , iyagane wixii ay qalad u arkeen ka saareen ayaa dood kale soo baxday oo ah inaan filimkaan la daawankarin.

Qorshaha filimka ayaa ahaa in tiyaatarada la saaro December 1, balse ma dhicin , maxaa yeelay waxaa fogaatay dooda filimka, waxaana dhacday in filimka wax badan la iska weydiiyo ka hor inta aan la sarain tiyaatarada.

Haddaba waxaa ay sheekadda noqondoontaa in dhanka Wasiiradda loo jiheysto iyadoo daal badan uu ka muqdo jilaayaasha filimka kuwaas oo mar walba muujiya awood ahaan waxa ay ka beddelikaraan filimka.

Sidoo kale inta baaritaanka uu socda waxaa lasoo jeediyey in jilaayaal qaar ee filimka kasoo muqudeen laga saaro liiska waxaana kamid ah Shri Rajput Karni Sena (SRKS), Shri Rashtriya Rajput Karni Sena (SRRKS), Shri Rajput Sabha.

Lama oga waxa lagu dhameyndoono , waxaase lagu balansanaa in filimkaan la daawado oo shaashadaha caalamka la saaro maalinta qaranka India ee 26 January.

Share this post

Post Comment