DEG DEG: Xilliga La Daawandoono Filimka La Wada Sugayey Ee Akshey Kumar Oo La Shaaciyey….

DEG DEG: Xilliga La Daawandoono Filimka La Wada Sugayey Ee Akshey Kumar Oo La Shaaciyey….

Akshey Kumar ayaa filimkiisa Padman la xaqiijiyey in la daawandoono bartamaha bishaan , waxaana ay kusoo aaday maalin wanaagsan  , waxaana filimkaan uu laga rajeeynayaa inuu lacago badan soo saaro.

Filimka Padman ayaa kusoo aaday maalinta dabaal dega India Republic Day, waana maalin fasaxa , waxaana ay noqoneysaa markii 2aad oo xilligaan oo kale loo saaray waxaana kamid ahaa Airlift.

Hadda 2018 waxaa loosaaridoonaa Padman waana filim xilli wanaagsan kusoo aaday daawasho ahaan.

Akshey Kumar , Sonam Kapoor  iyo Radhika Apte ayaa filimkaan kasoo muuqandoona , waxaana Director ka ah R Balki, waxay weliba kusoo aadeysaa maalin jimco ah January 26.

Laakiin filimsameeyaha ayaa ku dhawaaqay  in filimkaan ay rajeeynayaa inuu noqdo filim wax ka badan ka beddelo dhanka Box Office-ka, waana xilli wanaagsan sababtoo ah waxaa uu dagaal la gelidoonaa TZH.

Sanadkii lasoo dhaafay Raees iyo Kaabil ayaa lasaaray tiyaatarada , waxaana  ay sidoo kale wacdaro ka dhigeen Box Office-ka.

Kaabil iyo Raees ayaa dagaal xoogan dhexmaray , laakiin waxaa dhexmaray dagaal xoogan Shah Rukh Khan iyo Hritik Roshan.

Share this post

Post Comment