Scroll to Top

DHIBAATADA RAAXO AYAA KA DAMBEEYSA: Varun Dhawan Oo Ka Sheekeeynaya Xanuunka Uu Usoo Maray Heerka Uu Maanta Joogo

Waxaa Qoray Maxamuud Jamuuni / Waxaa La Daabacay Tuesday, 05 Dec 2017 16:50 PM / No Comments

Varun Dhawan ayaa ka hadlay dhibaatada ay leedahay marka aad isku daydo inaad noqoneyso qof u baahan inuu wax badan kusoo kordhiyo aduunka waxaana uu jilaagaan sheegay inuu dhibaato xoogan dareemay marka laga hadlayo isku dayada uu sameeyo.

Jilaagaan ayaa si heer sare usoo hana qaaday marka laga hadlayo guulaha uu gaaray jiliinkiisa , waxaana uu jilaagaan sheegay inuu wax badan ka bedelay noloshiisa , sababto ah waxaa uu sheegay inuusan ka daali doonin  hormarka uu ka sameynayo Bollywood-ka.

Varun waxaa uu kamid yahay jilaayaasha soo hana qaadeen 2012 , waxaa uu sameeyey filimaan saameyn ku yeesheen Box office-ka.

Jilaagaan ayaa wax badan ka hadlay isagoo sheegay inuusan marna ka helin dadka taageerid xilligii uu jilaannimada bilaabayey sababtoo ah waxaa uu kala kulmayey niyad jab xoogan.

Ugu dambeeyn jilaagaan ayaa sheegay inuu u mahadcelinayo qof walba oo saameeyn ku lahaaday heerka uu maanta ka joogo Bollywood-ka.

”Waa cajiib sanado ka hor , maxaa yeelay waxaa  jiray waxyaabo badan oo diidayey hormarkeyga waase sida ay dadka  i dhahayeen , waxaanse hadda ahayn qofaan waxba kamaqneeydn, in nolosha la bedelani waxay u baahan tahay isbedel weyn.

Jilaagaan ayaa hadda ku mashquulsan filim la damacsanaa inuu soo jilo Salman Khan balse ka mashquulay waxaana loo dhiibay inuu isaga jilaa ka noqdo filimkaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *