Esha Gupta Oo Si Kulul U Cambaareysey Kiisaska Kufsiga  & Meelaha Ugu Badan Ee Lagu Dhibaateeyo Dumarka.

Esha Gupta Oo Si Kulul U Cambaareysey Kiisaska Kufsiga  & Meelaha Ugu Badan Ee Lagu Dhibaateeyo Dumarka.

Atariishada caanka ah ee Esha Gupta ayaa ku baaqday in haweenka kalsooni badan lagu qabo  si ay uga hadlaan wax badan oo ku saabsan galmada iyo dhibaateynteeda ‘’waa lagama maarmaan iyo in wax badan laga dhaadhiciyo dhibaateynta ay dareemayaan.

Esha Gupta ayaa xanuun badan ka dareentay  dhibka iyo dhibaatada ay la kulmaan haweenka badan ee la kufsanayo waxaana ay sheegtay in loo baahnaa kalsooni badan in la dareensiiyo dumarka , maxaa yeelay mar walba waxaa ay sheegayaan dhibaatooyin balse gudaha ayey ka dareemaan.

‘’Dhibaateynta galmada , waxaa ay inta badan ka dhacdaa goobaha shaqooyinka , waxaana dumarka inta badan lagu daraa rag badan , waana dhibaato weliba wax badan ayey la shaqeeyaan loomana baahna midaas,’’ Esha Gupta ayaa sidaa sheegtay.

‘’Dadka waa ay fahamsan yihiin in qeyb kamid ah dhibaateeynta dumarka ay ka timado goobaha shaqooyinka waana dhibaato midaas , soo taagan mar walba ,’’ ayey hadalka ku dartay.

Esha Gupta waxay u baahan tahay oo ay wax badan daneeyneysaa in dumarka ay bartaan dhibaatooyinka galmada qaabka looga hadlikaro, waana arin muhiim ah , maxaa yeelay in la dhegeysto dumarka waxaa ka horeeysa inay hadlaan.

Atariishadaan waxay dhanka kale soo jiidisay in la caawiyo dumarka la dhibaateeynayo , sidoo kale waa muhiim mar walba in dhibka aan lagu fiirsan.

 

Share this post

Post Comment