Scroll to Top

FALANQEYN: Rajo Intee La Eg Ayuu Heystaa Xulka Italy , Ma Dhab-baa Koob Aduun OO Talyaani Ka Maqan Inuusan Xiiso Lahayn, Maxaa Hoos U Dhigay Xulka Italy & Xog Badan

Waxaa Qoray Maxamuud Jamuuni / Waxaa La Daabacay Monday, 13 Nov 2017 10:17 AM / No Comments

Xulka Italy ayaa caawa %30 heystaan inay usoo baxaan koobka aduunka ee 2018 ,waxaana xulkaan laga doonayaa inay muujiyaan awoodooda marka ay San Siro Kula ciyaariyaan xulka Swedan oo kulankii hore kasoo adkaadeen Italy.

Ciyaar uu xidig sare ka ahaa Jakob Johansson oo dhaliyey goolka guusha ee xulkiisa lugta hore ee isreeb reerbka Play Off-ka koobka aduunka ayaa Swedan saaciday.

Rajada Taliyaaniga Waa % 30.

Image result for Italy VS Sweden

Dad badan ayaa aminsan hadii taliyaaniga ay muujiyaan ciyaar qurxoon inay u jawaabidoonaan xulka Swedan , sababtoo ah mar walba xulka jooga gurigiisa ayaa ka shacbiyad , kana saameeyn badan xulka martida.

Maadaama taliyaaniga looga soo adkaaday taageerida iyo sidoo kale garoonka ,waxaa macquul ah in iyagoo adeegsanaya qibradooda ay ka badiyaan xulka Swedan weliba Italy waxaa laga doonayaa 2 gool iyo wax ka badan.

Haddii aan gool laga dhalin rajo wanaagsan ayey qabaa xulka Italy oo mar walba waxaa ay u baahnaanayaan hal gool xitaa rigoorooyin si loo aado.

Ma Dhab –baa Inuusan Xiiso Lahayn Koob Aduun Oo Taliyaani Ka Maqan?

Daftar 23 Negara yang Lolos ke Piala Dunia 2018 Rusia

Sida la wada aaminsan yahay taliyaaniga waxaa loo arkaa xulka ugu dhibka badan xulalka koobka aduunka , sidaas darteeda si xifaaltanka uu usii adkaado waxaa la dhihikaraa waa loo baahnaa inay soo gudbaan.

Inkastoo xulal waa weeyn ay mar hore iskusoo xaadiriyeen koobka aduunka ee 2018 kana mid yihiin : Brazil , Argentine, France , Portugal , Germany , Masar , Senegal , Morroco iyo wadamo kale hadane in intas lagu dhex arko Italy waa ay wanaagsaneyd.

Maxaa Ka Qaldan Xulka Italy?

Image result for Italy VS Sweden

Tan iyo markii xulkaan loo magacaabay tababare Giampiero Ventura ma wanaagsana qaabka uu ku socdo waxaana laga yaabaa inuu waayo booska shaqadaan.

Qaladaad badan ayuu sameeyey Giampiero Ventura oo sabab u noqdeen hada xulkaan meesha uu joogo inuu ahaado.

Dhibaatada ugu weyn ee tababarahaan heysata ayaa ah inuusan xakameynkarin safka xulkiisa sidoo kale awood uma lahan inuu go’aano waafi ah  uu gaaro.

Qaar kamid ah xidigaha ugu muhiimsan xulkiisa ayuu kursiga keydka dhigaa isagoo damacsan inuu wax ka bedelo falsafadii hore.

Kulanka caawa waxaa laga rajeynayaa inuu gelidoono isbedel weyn waxaana muhiim ah inuu saxo saxdiisa , waxaa ka maqan xidigo uu ku jiro Marco Verratti kaas oo ganaaxan kulankaan , sidoo kale waxaa ka maqan Danilo D’Ambrosio.

Macalinka xulka Italy ayaa caawa laga rajeynayaa in shaxdiisa uu ka dhigto 3-5-2 , waaa shax inta badan taliyaaniga uu isticmaalayey , waxaa xulka taliyaaniga caawa lagu arkidoonaan Jorginho iyo Alessandro Florenzi oo ah laba ciyaaryahano oo muhiim ah.

Ciro Immobile ayaa laga yaabaa inuu sii ahaado weerarkisa maadaama uu weli muhiim u yahay xulkiisa.

Safka Macquulka Ah Ee Xulka Italy Caawa.

Italy (3-5-2): 1 Buffon; 15 Barzagli, 19 Bonucci, 3 Chiellini; 6 Candreva, 18 Parolo, 7 Jorginho, 8 Florenzi, 4 Darmian; 11 Immobile, 23 Gabbiadini

Italy bench: 12 Donnarumma, 14 Perin, 2 Rugani, 13 Astori, 21 Zappacosta, 5 Gagliardini, 16 De Rossi, 20 Bernardeschi, 10 Insigne, 9 Belotti, 17 Eder, 22 El Shaarawy.

FG: Kulankaan Waxaa La Daawandoonaa Caawa Saacada Marka Ay Tahay 10:45 .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *