Scroll to Top

Fariimo Jaceyl : Indhaheyga Waxa Ay La Olalaaan Aragaaga La`aantiisa

Waxaa Qoray Maxamuud Jamuuni / Waxaa La Daabacay Sunday, 05 Nov 2017 08:43 AM / No Comments

Ku soo dhawaada aqristayaal qeyb ka mid ah fariimaha jaceylka ee loo yaqaan sms love oo aynu webkaan Maandeeq.net idin kugu soo gudbin doono usbuucii labo ilaa seddex jeer.
1-Jaceylka waa sida sigaarka oo kale , durba yaad la qabsaneysaa balse si tar tiib ah ayuu kuu dilayaa waayo xanuunkiisa lama dareemo ee qaali wax ila qabo

2- Alla Hodonsaniyaa !Waxaan furay boorso jeebeedkeyga ,waxaan ka war helay in ay eber tahay , waxaan u sii gudbay jeebkeyga oo aan ka helay xoogaa qadaadiic ah , waxaan si qoto dheer u baaray qalbigeyga waxaan si kadis ah uga helay kalgaceylkaada , waah waah alla waxaas ayaa taajirnimo kaa ah , waxa aan hadda ahay ninka ugu hodonsan aduunka .

3- Xiliga igu farxadda badneyd aduunka waxa ay aheyd markaan maqlayay qofka aan jeclahay oo ku hadaaqaya magaceyga xiliga jiifka , markaas ayaan ilaawaa magaceyga .

4- Indhaheyga waxa ay la olalaaan aragaaga la`aantiisa ,gacamaheyga waa ay maran yihiin waayo waxa ay tabayaan taataabashadaada , faruuryaheyga aad ayay u qalalan yihiin waayo waxa ay tabayaan baashidaada , niyadeedana waa ay dilan tahay waayo waad iga maqan tahay .

5- waxaan aad u jeclahay in aan wehelkaada ahaado , waxaan u hiloobay dareenkaada iyo shumintaada , waxaan kaloo u xiisay shanqartaada degan iyo xiliyadii aan kula caaweyn jiray runtii aad ayaan kuugu xiisanahay

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *