Scroll to Top

Fariin Jaceyl: Bilaa Sharuud Ayaan Ku Jeclaaday Mana Ka Baqin In Aad I Dhaawaceyso Waligaa

Waxaa Qoray Maxamuud Jamuuni / Waxaa La Daabacay Saturday, 25 Nov 2017 07:28 AM / No Comments

* Waxaan ahay qof aad u nasiib badan illeen adigaan ku helay, marnaba kama shalaayi doono daqiiqadaha aan wada qaadanay inaan ku sii jeclaado maahee, waxaad tahay nolosheyda ,jaceylkaagana maa´ahan mid la iibsan karo.

*Xaalad walbo oo aad ku sugan tahay ogoow aniga xageyga waxaad ii tahay shaqsi lama ilaawaan ah oo qofka mid ah dunida inteeda kale aan lagu abuurin, Maandeeq.net,,fur qalbigaaga si deganaana u dhageyso fariimaha uu ku siinaayo si aad u ogaato heerka rabitaankeyga uu iga taagan yahay.

* Waxaad tahay qofka keliya ee i baray dareenka caashaqa shaleyti la’aan iyo anigoo aan ka baqeyn inaad qalbiga iga dhaawacdo,waxaan kuu aaminay si qayaas la’aan ah,waana ogahay inaadan ku tuman doonin kalsoonidaas xaddhaafka ah.

*Cidina ma awoodi doonto iney i dareensiiso xadiga aan adiga dartaa ugu suganahay, ma jirto daqiiqad aan adiga kaa fekerin oo aanan niyada kugu heyn,weligeyna waan kugu heyn doonaa macaane/macaanto

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *