Scroll to Top

Fariin Jaceyl : Waxaad Isiisaa Awood Aan Nolosha Ku Wajaho ,Waxaad Iga Dhigtay Qof Mar Waliba Dhameystirin

Waxaa Qoray Maxamuud Jamuuni / Waxaa La Daabacay Thursday, 23 Nov 2017 06:24 AM / No Comments

Sanadihii xiisaha,isdhaafsiga dhambaalada caashaqa weli waan ku dhex nool nahay inkastoo laga yaabo dad badan iney aaminsan yihiin in dadka isku cusub oo keliya ay sidaan oo kale isku koolkooliyaan,haseyeeshee xageena hadafka nolosha waa inaan farxad iyo jaceyl mira dhala ku noolaanno.

* Aragtidaada wey i farxadgelisaa,waxeyna isiisaa awood aan nolosha ku wajaho oo aan ku sii dhaganaado ,waxaad leedahay shaqsiyad aad u macaan oo aan qof walbo ka mideysneyn.waxaadna igu soo kordhisay xamaasad lama ilaawaan ah qalbigaaga naxariista leh ee cid walbo indha sarcaadiyey waa kan i gaarsiiyey marxalad aan ka soo noqosho laheyn.

* Soo jiidashadaada cajiibka ah waa mida kaa dhigtay marwalba qof dhameystiran, ilmadeydu xad maleh xitaa marka aan faraxsanahay waana ku tebayaa waana jeclahay si xaddhaaf ah,Maandeeq.net,waxaa ii tahay waxwalbo oo aan ku riyooday inaan ku helo nolosha,daacadnimadaada ayaa igu dhiirigelisay in aan xilli kasto kuu qalbi furnaado.

* Waan ku jeclahay waayo waad i farxadgelisaa xilli kasto,waxaadna taagan tahay garabkeyga waqti kasto oo aan kuu baahdo,qofna farxad ima siin karto ilaa adiga maahe.

* Marwalba oo aan wada joogno uma baahna inaan isku dayno inaan kulankeena ka dhigno mid xiiso leh ,sababtoo caadiyan ayeyba ayaanba isugu nahay laba leysugu talogalay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *