Scroll to Top

Hababka Ugu Fudud Ee La Isaga Daweyn Karo Muragada ,Talaabooyinkaan Raac

Waxaa Qoray Maxamuud Jamuuni / Waxaa La Daabacay Monday, 13 Nov 2017 08:49 AM / No Comments

in la murugoodo ama aan la faraxsanaan waaa iska caadi marka ay wax qaldamaan ama uu qof kaa dhinto, dareemadani waxa ay badanaa la tagaan wakhtiga waadna ka soo fiicnaanaysaa.

haddaba murugada waxa ka mid ah:

in aad dareento degganaansho la’aan

in aad dareento inaad mar walba daalan tahay

rabitaanka cuntada oo kaa luma

in aad dareento rajo la’aan wax laguma fale ciirsi-laawe ah

in aad in badan hurudo ama aad iska waydo hurdo

haddaba akhriste sidee ula tacaali kartaa murugada?

tallaabada koowaad ee lagu bogsanayaa waa inaad alle u carartaa, oo aad waydiisataa inuu murugada iyo wal-walka kaa qaado
waa inaad quraan akhriska badisaa

waa inaad aad cuntaa cuntooyin nafaqa leh kana fog cuntooyinka qashinka ah

isku day inaad hesho 7-8 sacadood oo hurda ah habeen kasta

fir-fircoonow xataa hadii aadan dareensanayn sidaas

qorshayso hawl maalmeed

ka fogow diiqad haddii ay suura gal tahay, ama aad kaligaa noqoto

ku biir kooxo taageero oo noqo qof firfircoon

la xidhiidh qof ku xusuusiya alle ama citikaaf samee

daaweynta murugadu waxa ay ka dhalataa is bedal ku yimaada dareenka, qofka tasoo khal-khal galinaya dheecaanada maskaxda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *