Scroll to Top

HAYAAY: Barcelona , PSG , Sevilla & Kooxaha Ay Chelsea Ku Aadidoonto Wareega 16-ka Ee Champions League …

Waxaa Qoray Maxamuud Jamuuni / Waxaa La Daabacay Wednesday, 06 Dec 2017 11:10 AM / No Comments

Kooxda Chelsea ayaa markeeda xaalad adag gelikarta marka la fiiriyo inay ciyaarayaan Champions League weli sababtoo ah waxaa ay soo gaareen wareega 16-ka ee Champions League.

Macalin Antonio Conte ayaa xaley u awood sheegtay kooxda Atletico Madrid , balse booska labaad ayey kusoo bexeen taas oo ka dhigan in ay ku aadidoonaan qaar kamid ah kooxaha ugu awooda badan tartankaan.

Xilli Ciyaareedkaan Chelsea waxay u baahan tahay gooldhaliye , sidoo kale waxaa ay kooxdaan dareemeysaa cadaadis dhanka iyo ciyaartooyada kuwaas oo dalab kaga imaanayaan qaar kamid ah kooxaha ka dhisan Spain.

Yaa Kaalinta 2aad Kusoo Baxay Oo Aan Chelsea Ku Aadidoonin?

Sida caadiga ah kooxda Chelsea kuma aadidoonta kooxaha ay isku booska kusoo bexeen iyo sidoo kale kooxda ay isku horyaalka yihiin.

Kooxaha kaalinta 2aad kusoo baxeen waxaa ay kala yihiin:-

Basel.

Bayern Munich.

Chelsea.

Juventus.

Sevilla*

Shakhtar Donetsk*

Porto*

Real Madrid

FG: Chelsea waxay ku aadikartaa Sevilla, Shakhtar Donetsk iyo Sevilla waa haddii caawa boosaskooda la ogaado.

Yey Chelsea Ku Aadidoontaaaa?

Kooxda Chelsea waxay ku dhicidoontaa kooxaha kusoo gudbeen booska 1aad marka laga reebo kuwa ay isku horyaalka yihiin iyo kooxaha isku booska ahaayeen waxay ku aadayaan:-

Barcelona,    Paris Saint Germany , Besikts …..

Goorma Ayaa La Sameeynayaa Isku Aadka Champions League?

Maalinta isniinta ayaa la sameeyndoonaa isku aadka wareega 16 –ka ee Champions League, waxaa lagu qabandoonaa Nyon, Switzerland.

Lugta koowaad ee wareega 16 Champions League ayaa la ciyaaridoonaa 13, 14, 20 and 21 February,  halka lugta 2aad la ciyaaridoonaa 6, 7, 13 & 14 March 2018

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *