Scroll to Top

LAYAAB: Haddii Aad Arki Jirtay Mataaniyaal Isku Eg , Maanta Ogow Mataaniyaal Hal-Meel Ku Kala Duwan.

Waxaa Qoray Maxamuud Jamuuni / Waxaa La Daabacay Saturday, 18 Nov 2017 23:49 PM / No Comments

Sida aan lasocono mataaniyaasha waxaan ku naqaanaa inay yihiin kuwa inta badan isku eg dhan walba balse waxaan haaynaa mataaniyaasha aduunka aan isku midka ahayn.

Waxaa barta Instagram-ka lasoo dhigay sawiro laga yaaban yahay ilaa iyo hada sababtoo ah waxaa la arkay lamaaniyaasha aduunka ugu mucjisada badan , sababtoo ah midabka mataaniyaasha iskuma ega.

 Waxaa la ogaaday inay sidaan ku dhasheen lamaaniyaashaan , sababtoo ah muddo todoba bilooda ayey nool yihiin mid kamid ah lamaaniyaashaan ayaa midab ahaan ka madow midka kale.

Isabella iyo  Gabriella ayaa lamaaniyaashaa lagu magacaabaa waana gabdho , laakiin marna maku kala wareereysid sababtoo ah waxaad ku garaneysaa midabka.

‘’Waxaa nasoo gaaray fariimo badan oo naloogu shegaya jaceylka fariimeheena , waxaa sidaa dhahday hooyada dhashay mataaniyaashaan ee Clementine Shipley.

Si walba waxaa ay sheegtay Clementine Shipley oo hooyada mataaniyaashaan inaan waxba ka dareemin hada balse dadka ay mar walba hadal haayaan, waxay ku dartay fariimaha loosoo qoray inay kamid tahay.

‘’Oh!! Maxay Gabdho qurxoon yihiin !!!!!!!!!!!!!.Wow waa gabdho qurxoon!!Cajiib !!! .

Arintaan ayaa laga hadal-haayaa aduunka , balse ma ahan wax gaar ah marka laga soo tago in midabka lamaaniyaashaan aan iskumid ahayn.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *