Ma Ogatahay Shaqsiga Shah Rukh Khan Ka Lasoo Muuqandoona Filimkiisa Xigga?

Ma Ogatahay Shaqsiga Shah Rukh Khan Ka Lasoo Muuqandoona Filimkiisa Xigga?

Shah Rukh Khan oo soo laabtay !, haa dhamaan marka la fiiriyo qaab jiliinka Shah Rukh Khan ayaa soo laabasho fiican sameeyey waxaana uu filimkaan uu noqonkaraa mid kale uu wacdaro ka sameeya Box office-ka.

 

Jilaagaan ayaa wacdaro ka sameeyey 2017 waxaa uu saaray tiyaatarada bandhig aan caadi ahayn waana sababta mar walba loo sheego inuu yahay jilaa ka awood sareeya kuwa kale.

 

Anushka Sharma and Katrina Kaif ayaa sidoo kale kasoo muuqandoonaan filimkaan waxaana la sugidoonaan xilliga saxada ah ee filimkaan la sameeyndoono jadwalkiisa saxda ah.

 

Filimkaan oo aan weli cinwaan loo sameyn ayaa la rajeeynayaa in la daawado maalinta Chrismas-ka ee 2018 , waxaana filimka Director-ka ka ah Aanand L Rai.

 

Shah Rukh Khan iyo Director Aanand L Rai ayaa barta Twitter-ka kusoo bandhigeen in filimkaan uu noqondoono mid saameeyn xoogan leh , waxaana laga sugayaa xilliga la bilaabayo duubistiisa.

Filimkaan ayaa sidoo kale noqondoono mid rajo wanaagsan laga qabo laguna raaxeeysandoono daawashadiisa , sidoo kale waa filim awood ahaan Box Office-ka wacdaro sameeyndoono.

Share this post

Post Comment