Scroll to Top

MAQAAL: Ciyaaryahankii Ugu Horeeyey, Goolhaayaha Keliya Qaatay Billaddaan, Wadammada Ugu Badan , Kooxda Ugu Badan , Kooxaha England & Doorkooda & Wax Walba Oo Aad Ugu Baahan Tahay Abaalmarinta Ballon d’Or Oo Caawa La Bixindoono.

Waxaa Qoray Maxamuud Jamuuni / Waxaa La Daabacay Thursday, 07 Dec 2017 09:33 AM / No Comments

Cristiano Ronaldo ayaa la filayaa inuu caawa bar bareeyo rikoorka uu horey u sameeyey Lionel Messi , sababtoo ah waxaa la bixindoonaa abaalmarinta Ballon d’Or isaga ayaana loo saadilanayaa.

Qof walba ayaana la socoda xaalada caawa iyo sida ay noqonkarto sababtoo ah waxaa jira xan xan ku aadan in ciyaaryahankaan uu abaalmarintaan isaga helidoono.

Majalada France Football ayaa bxixineysa abaalmarintaa waxaana la bilaabay 1956.

Si Walba Waxaan Idin Heynaa 7 Waxyaabood Oo Ku Saabsan Ballon d’Or.

1-Ciyaaryahankii Ugu Horeeyey Ee Ku Guuleeysta Isagoo Aan Yurub U Dhalan.

George Weah was first non-European to win Ballon d'Or, in 1995

Sanadkii 1995, waxaa abaalmarintaan ku guuleeystay George Weah , waxaana uu noqday xiddigii ugu horeeyey ee abaalmarintaan ku guuleeysta kaas oo aan kasoo jeedin qaaradda Yurub.

Sababtoo ah George Weah ayaa bandhig wanaagsan ka sameeyey kooxaha uu xilligaas u ciyaarayey sida Ac Milan iyo kooxda PSG.

Garrincha, Mario Kempes and Diego Maradona waa shaqsiyaadkii ugu horeeyey ee bilaabeen in abaalmarintaa lagu guuleeysto laba laba jeer , waxaana jiray rikoore kale oo kadib la sameeyey

Kooxaha England Ee Abaalmarintaan Heleen: United, Liverpool and….Blackpool

Sir Stanley Matthews was first-ever winner of award, while at Blackpool in 1956

Wizard Sir Stanley Matthews ayaa ciyaaryahankii ugu horeeyey ee abaalmarintaan ku guuleeysta abaalmarintaa , sidoo kale waxaa uu ka tirsanaa kooxda Blackpool, waxaana uu ahaa 41 sano jir.

Denis Law ayaa kadib ku guuleeystay waxaana uu ahaa ciyaaryahan ka tirsan kooxda Manchester United sanadkii 1964 ayuuna ku guuleeystay , ka hor inta uusan qaadin abaalmarintaan xiddiga ay isku kooxda ahaayeen ee Sir Bobby Charlton  kadib markii England uu ka saaciday koobka aduunka.

George Best, Denis Law and Sir Bobby Charlton all won Ballon d'Or award

Markale waxaa abaalmarintaan lasiiyey ciyaaryahan u ciyaara kooxda ka dhisan England waana Liverpool xiddigeeda hore ee Michael Owen oo qaatay 2001.

Cristiano Ronaldo ayaa ugu dambeeyey marka la fiiriyo xiddigaha kooxaha Primer League ka ciyaaraan ee abaamarintaan ku guuleeysteen waxaana uu qaaday isagoo ku sugan kooxda Manchester United 2008.

Kooxaha Abaalmarintaan Ugu Badan

Ronaldinho is one of six Barcelona players to have claimed the Ballon d'Or

Ma ahan Manchester United , kooxda ciyaartooydeeda wax badan ay abaalmarintaan ku guuleeysteen.

Kooxda Barcelona ayaa ah kooxda koowaad , waxaana ay heeystaan Messi oo shan jeer ku guuleeystay abaalmarintaan, waxaana ay heystaan lix.

Luis Suarez ayaa abaalmarintaan ku guuleeystay sanadkii 1994 balse ma ahan midka hadda ciyaara, Rivaldo ayaa sidoo kale ku guuleeystay 1999, si lamid ah Ronaldinho ayaa abaalmarintaan qaatay isagoo Barcelona ku sugan.

Lionel Messi's five helped Barcelona become most successful club in Ballon d'Or history

Kooxda Real Madrid ayaa soo gashay booska labaad ee liiskaan waxaa ay heeystaan iyagane Cristiano Ronaldo oo abaalmarintaan ku guuleeystay afar jeer .

Kooxda Juventus:Ayaa seddexaad ah , waxaana kooxdaaan soo mareen ciyaaryahano wada farsmo ah, waxaana kamid ah Michel Platini oo ku guuleeystay 1980.

Kevin Keegan

Kevin Keegan won the Ballon d'Or two years in a row while with Hamburg

Waa ciyaaryahanka keliya ee Britain haddane wax badan ku guuleeystay abaalmarintaan ama wax badan hal jeer.

Kadib markii uu ka tagay kooxda Liverpool, waxaa uu ku biiray kooxda Hamburg , waxaana uu ku qarash gareeyey seddex xilli ciyaareed.

Waxaana uu abaalmarintaan qaatay abaalmarintaan laba jeer oo kala ah 1978 iyo 1979.

Waddamada Ugu Badan Ee Abaalmarintaan Ku Guuleeysteen

Johan Cruyff and Franz Beckenbauer were two dominant players in 1970s

Ciyaartooyda  u dhasheen wadamada Germany iyo Holland ayaa ugu badan abaalmarintaa , waxaana ay heeystaan inka badan 10.

Cruyff iyo  Marco van Basten  ayaa seddex jeer qaadeen,halka Ruud Gullit uu qaatay 1987.

Sidoo kale shaqsiyaadka ugu caansan Germany waxaa kamid ah Franz Beckenbauer iyo  Karl-Heinz Rummenigge oo min 2 jeer ku guuleeysteen.

Waxaa sidoo kale abaalmarintaan ku guuleeysteen xiddigaha kala ah Gerd Muller, Lothar Matthaus and Mattias Sammer.

Lionel Messi waa ciyaaryahanka keliya ee u dhashay wadanka Argentine kuna guuleysta abaalmarintaan ,halka Ronaldo ay kaga horeeyeen Eusebio iyo  Luis Figo.

Xulka France waxay heystaan lix guuleeyste oo kala ah :- Platini oo ku guuleeystay 3 jeer, Raymond Kopa, Jean-Pierre Papin iyo Zinedine Zidane

Doorka Daafacyada & Goolhaayaash?

Soviet Union icon Lev Yashin is only goalkeeper to win Ballon d'Or

Lev Yashin waa halyeeygii Soviet Union waana goolhaayaha keliya ee ku guuleeystay abaalmarintaan waxaana uu qaatay 1963.

Waxaa sidoo kale jiraan daafacyo badan oo abaalmarinyaan ku guuleeysteen sida:- Beckenbauer, Matthaus and Sammer

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *