OGOOW: Shan Qodob Oo Muhiim Ah Lagana Soo Saaray Filimka Padmavati(In La Beddelo Magaca Filimka, Muuqaalo Qaar In Laga Jaro & Kuwa Kale…

OGOOW: Shan Qodob Oo Muhiim Ah Lagana Soo Saaray Filimka Padmavati(In La Beddelo Magaca Filimka, Muuqaalo Qaar In Laga Jaro & Kuwa Kale…

Sanjay Leela Bhansali iyo kooxdiisa filimka Padmavati ayaa loosoo saaray qadobo aad u dhib badan , waxaana dhamaan qodobadaas ay yihiin kuwa niyad jebiyey qorshaha kooxda Padvamati.

Inkastoo filimka la fasaxay in la daawado haddane waxaa jirta sharuud lagu xeray daawashada filimkaan , maxaayeelay waxaa weli la aminsan yahay in filimkaan ay ku jiraan qaladaad.

Guddiga turxan bixinta aflaanta ee The Central Board of Film Certification (CBFC) ayaa soo saaray wax walba oo filimkaan ka qaladan , waxaana la sheegay qodobadaan soo socda.

Wararka xanta ah waxay sheegayaan  guddiga turxan bixinta aflaanta Bollywood-ka ay muuqaalo badan ka diideen filimkaan  , laga reebay muuqaaladaas, Prasoon Joshi oo ah guddoomiyaha guddiga ayaa soo saaray amaradaan:-

1-Ma Jiraan wax xan ah oo ku saabsan muuqaalada filimka oo laga saaray?

2-Waa qalad,  ma jirin muuqaalo aan soo jeedinay oo ah in laga reebo , balse waxaa dhacday sheekooyin qaar in la bedelo , waxaase go’aanado ay nqdeen sidaan:-

3-waxaa muhiim ah in la beddelo qaab jiliinka filimka iyo sheekadiisa qaabka ay u dheceyso.

4-Cinwaanka filimka in la beddelo , sidoo kale loo saameeyo cinwaan kale , maxaa yeelay taariikh ma noqonkaro magaca Padmavat.

5-Waa in lagu daraa muuqaalo iyo sheelooyin kale oo lagu muujinayo isbedelka filimka.

Waa ay jiraan qodobo kale balse shantaan waa kuwa ugu muhiimsanaa ee Prasoon Joshi uu sheegay , waxaase la sugayaa filimkaan iyo daawashadiisa sanadkaan 2018.

Share this post

Post Comment