Scroll to Top

OGOW:Munich, Juventus , Real Madrid & Kooxaha Ay Liverpool Ku Aadikarto Wareega 16-ka Ee Tartanka Champions League

Waxaa Qoray Maxamuud Jamuuni / Waxaa La Daabacay Thursday, 07 Dec 2017 08:38 AM / No Comments

Kooxda Liverpool ayaa xaley qaab ciyaareed wanaagsan kusoo gashay wareega 16-ka ee tartanka Champions League kadib markii ay xaley ku badiyeen 7 gool.

Waxaana ay xaley noqotay kooxdiisa shanaad ee ka socota England una soo baxda wareega 16 -ka ee Champions League.

Macalin Klopp iyo wiilashiisa ayaa xaley laga yaabay bandhiga ay sameeyeen waxaana loo arkay inay yihiin kuwa ku haboon qaab ciyaareed wanaagsan ee kooxda.

Coutnho ayaa xaley dhaliyey seddexleeydiisa ugu  horeeysey ee kooxda Liverpoo , waxaana uu xiddigaan ka caawiyey kooxdiisa in rikoorka goolasha badan ay sameeyso.

Haddaba Liverpool & Kooxaha Ay Ka Badbaadidoonto.

Kooxda Liverpool kuma aadidoonto kooxaha hoos ku xusan .

Manchester United Paris Saint-Germain Roma Barcelona Liverpool Manchester City Besiktas Tottenham.

Kooxahaan qaarna waxaa ay ka wada ciyaaraan hal horyaal, kuwa kalena waxaa ay ahaayeen isku boos halka kuwa ay kusoo wada bexeen hal darajo oo ah booska 1aaad.

Balse Liverpool Waxay La Kulmikartaa Mid Kamid Ah Kooxaha Hoose:

Bayern Munich, Juventus, Basel, Real Madrid, Shakhtar Donetsk or Porto.

Goorma Ayaa La Sameeynayaa Isku Aadka Champions League?

Maalinta isniinta ayaa la sameeyndoonaa isku aadka wareega 16 –ka ee Champions League, waxaa lagu qabandoonaa Nyon, Switzerland.

Lugta koowaad ee wareega 16 Champions League ayaa la ciyaaridoonaa 13, 14, 20 and 21 February,  halka lugta 2aad la ciyaaridoonaa 6, 7, 13 & 14 March 2018

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *