Scroll to Top

Qeybta 2-aad Qisadii Taxanaha Aheyd : Masayrka Raggu Ilayn Waa Masiibo Qarsoon .

Waxaa Qoray Maxamuud Jamuuni / Waxaa La Daabacay Saturday, 21 Oct 2017 03:40 AM / No Comments

Ku Soo dhawaada Qaybtii 2-aad ee sheekadii Masayrka Raggu Ilayn Waa Masiibo Qarsoon!

Hadaba Kariima oo ah gabadha ay sheekadan jacaylka ahi ku socoto ,waxa ay cimrigeeda intii
ay jirtay ay kusoo kacaantay duruufahasi kala wada gadisdan ee aynu qaar kamida kor kusoo
xusnay.

Kariima madama ay kusoo kacantay noloshaasi sida kooban aynu ugasoo waranay lana soo
kulantay xiliyadii uu dalku aadka u dhibatada badnaa ,waxa aad dareemi kartaa qof gabadh ah
walibana aan sida u da’waynayn sida uu duruufta noocaasi ah uga soo bixi karto.

Kariima wax ay soo kacaa kuftaba ,wakhti wakhtiyada ka mid ah ayaa waxa ay timi wadan ka
mida wadamada Carabta ,muddo ka bacdina waxa ay ku fikirtay in ay safar dheer u gasho
wadamadaasi yurubta ee dadka badan kiisu u hayaamaayo.

Safarkii u horeeyay ee ay kaga soo baxday Carabta waxa ay ku timi dalka Turkiga muddo ka
bacdina waxa ay usoo dhaaftay sida cadada ah dalka xiga ee Giriiga halkaasi oo ay kula kulan
tay dhibatooyin aan yarayn ,iyada oo tiraba dhawr jeer ku hungawday sidii ay uga soo bixi
lahayd ,inkastoo markii danbe Ilahay u fudaydiyay .

Dadka yaqanaa marka ay tilmaamayaan gabadhaasi waxa ay ku naanaysaan Wiilo, magacaasi
oo ay ula jeedaan ,dareenka ay ka qateen kartida iyo hawl-karnimada dheeraadka ah ee ku jirta
,taasi oo la odhan karo waa mid ay ka dhaxashay walid

Hadii ay ku dhaaftay Qeybtii 1-aad Halkaaan Ka Aqriso 

La Soco Qeybta 3-aad Ee Sabtida Dambe Insha Allaah

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *