Scroll to Top

Qeybta 3 Iyo 4-aad Qisadii Taxanaha Aheyd : Masayrka Raggu Ilayn Waa Masiibo Qarsoon .

Waxaa Qoray Maxamuud Jamuuni / Waxaa La Daabacay Tuesday, 31 Oct 2017 06:00 AM / No Comments

Qaybtii 3-aad ee sheekada: Kariima Ilahay qadarkii iyo dadaalkeedii faraha badnaa ee ay samaysay waxa ay kusoo
gaadhay qaradii ay ku hamiyaysay ee Yurub gaar ahaan wadanka Sweden, madama aanay
wadamadan yurubtu sida la moodaayo aanay ahayn,hadana Kariima waxa ay markiiba gashay
Kamamka Qaxootiga laga diwaan galiyo ,Ilahay mahadi haka gaadhee waxa ay markiiba
gacanta ku dhigtay sharcigii dalka Sweden .

Sida ay cadadu tahay waxa ay bilawday in ay barato Luqadii wadankan ay sharciga ka heshay
ee loo yaqaano SFI (svenska för invandrare) waxbarashadaasi oo ay ku jirtay muddo dhan
Laba sano ,iyada oo sidii loo baahna uga soo dhalaashay si fiicana ugu hadashay.

Madamaa qofkasta oo Somali ah oo wadamadan Yurub yimaadaa sharcina ka hela ay khasab
ku tahay in ay taakule dhaqaale ay ka sugayaan qaraabo iyo ehelkii uu ka yimi ayaa Kariima
lafteedu waxa aan caad ka asarayn in dadkii ehelka u ahaa ay ka wadankii kaga timi in ay
waxtarkeeda dhawrayaan.

Kariima iyo ninkii jeclaaday:-

Madama ay Kariima wakhtigaasi ay u diyaar garawday in ay shaqo raadiso ,ayaa waxa ay
fariimo badana u dirsatay cidkasta oo ay isleedahay waxa ay kaa caawin karaan in aad si
degdeg ah shaqo u hesho .

Hadaba waxa ay iyada iyo inan (gabadh) ay saxiib yihiin la xidhiidheen nin oday ah oo lagu
magacaabo Muxsin ,kaasi oo wakhti aad u badan wadanka joogay isla markana ka mid ah
dadka u dhuunta daloola sida wadankan shaqooyinka looga helo ,kaasi oo ay qaraabo dhaw
ahayeen Kariima saxiibadeed.

Wakhti yar ka bacdi Muxsin waxa uu ugu bushaareyay labada Hablood in mid kamida oo uu si
gaar ah u danaynayay in uu shaqo u helay ,isaga oo inantii kalana u balan qaaday in aanu ka
fadhiisan doonin shaqo u raadin teeda .

Nasiib wanaag amma nasiib darro midka aad doontaba ku macneeyoo ,gabadhii ay Kariima
saxiibka ahayeen waxa ay noqotay mid aanay shaqadii usoo bixin, kadibna waxa ay iskaga
calool adaygtay in ay gobolkeedii shaqo ka raadsato.

Sida runta ah Muxsin waxa uu Kariima u dhameeyay dhamaan wixii ay taakulo ay uga
baahnayd dhinaca waraqaha shaqada , madama aanay gobolkan cid ka garanayn , waxaanu
tunka u ritay masuliyadii gabadhaasi ,waxa uu u diyariyay waxkasta oo u sahlaaya in ay
shaqadii ay heshay u timaado.

Kariima waxa ay usoo qalab qaadatay safarkii dheeraa ee ay ku imanaysay gobolkan ay
shaqada ka heshay ,waxa ay soo raacday Tareenka ,waxa kaliya oo ay isku halaynaysaana
Ilahay inta ka sokaysa waa Muxsin oo aanay aqoon badan u lahayn wax kaga imana aanay ka
warhayn.

Qaybtii 4-aad waa kuma Muxsin :-

Muxsin waa nin lagu tilmaami karo da’ahaan dhalinyarada cuslaatay ,waa nin asal ahaan aad is
odhan karto waxa uu u dhashay qurux inkastoo duruufta badan ee yurub talaa ay qofka dhalingadiyayso
,waa nin dherer kiisu meel dhexaad tahay midab ahaana casaan u dhashay.

Muxsin waa nin la odhan karo aqoon tiisa waxbarasho way dhisan tahay ,waa nin wakhti aad u
badan ku noolaa wadamada yurub, waa nin ku hadla luqada svenska iyo Ingilishta ,waa nin
dabeecad ahaan marka uu ku rabo aanad ka xiiso goynayn.

Hadii aynu wax ka tilmaano Muxsin iyo dhinaciisa shaqada ,runtii waa nin shaqaysta oo isku
filan ,waa nin isku tashada oo aan cidna ku tashan inta Ilahay ka sokaysa, waa nin inta badan
ku hawlan in waxkasta oo uu isleeyahay waa aad ka midha dhalin kartaa ku dadala siduu uga
gun gaadhi lahaa.

Muxsin magalada uu wadanka ka degan yahay si fiican ayay isu yaqanan dadka ku nool gaal
iyo muslimba ,waxaanu dhaqan u leeyahay qofkasta oo ay markaasi isku cusub yihiin in uu si
ixtiraamleh usoo dhaweeyo .

Dhinaca Diinta Muxsin waa nin wadaad ah ,mararka qaarna Masjidka kaliya ee ku yaala
magalada uu joogo isagaba Imaam , Mu’adain iyo sheekha khudbada jimcaha akhriyaba isagaa
ah .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *