Scroll to Top

Qeybta 5-aad Qisadii Taxanaha Aheyd : Masayrka Raggu Ilayn Waa Masiibo Qarsoon .

Waxaa Qoray Maxamuud Jamuuni / Waxaa La Daabacay Saturday, 04 Nov 2017 08:06 AM / No Comments

Dhinaca Diinta Muxsin waa nin wadaad ah ,mararka qaarna Masjidka kaliya ee ku yaal
magalada uu joogo isagaba Imaam , Mu’adain iyo sheekha khudbada jimcaha akhriyaba isagaa
ah .

Qaybtii 5-aad kulankii Kariima iyo Muxsin.
Muxsin waxa uu Kariima u sameeyay soodhawayn tii u wanaagsanayd ,waxa uu ku qaabilay
gacma muran ,waxa uu u muujiyay dareen walaal nimo oo aad ka dheehan karto in aanu ka
madhanayn mid jacayl iyo rabitaan ,xaqna uu u leeyahay .

Inkastoo aanu Muxsin haysan guri fiican oo uu gabadhaasi si balaadhan ugu soo dhaweeyo,
hadana kamuu yaraysane waxa uu u baneeyay Qolkisii yaraa ee labada mitir ahaa ee uu
Hotelka kaga jiray ,isaguna waxa uu u xamaan gurtay barandhe wayn oo uu Hotelku leeyahay .

Muxsin soo dhawaynta uu gabadhaasi u sameeyay,waxa ay gaadhay heer ay Kariima ay ka
dareento in uu ninkani yahay nin fiican oo aan la hilmaami karin dhinaca walaalnimada iyo
wanaaga uu leeyahay , iyada oo dhankeeda markasta u haysay ixtiraamka uu ka mudan yahay
.
Muxsin waxa uu Kariima u qalqaaliyay dhamaan waxyabahii kaga xidhnaa dhinaca shaqada
madamaa ay gobolka ku cusub tahay ,Muxsin waxa uu u sameeyay gabadhaasi waxkasta oo
uu is odhan karo waa ay u bahan tahay ,sida isaga oo u sheekeeya ,la fadhiista ,madadaaliya
,mararka qaarna magalada soo kala bara.

Waxa ay in badan Muxsin kala hadashay in uu ninka Hotelka iska leh ay u sheegaan in ay u
bahan yihiin Qol labaad oo uu seexdo Muxsin taasina waa ay sugayaan oo balan taasi waxa ay
u talaa Hotelka.

Kariima iyo Muxsin waxa ay noqdeen laba qof oo walaal nimo iyo ixtiraam fara badani uu ka
dhaxeeyo,Kariima waxa ay si aan gabasho lahayn u bartay Muxsin reerka ay ka dhalatay
sheekh iyo shariifba , sida Abaheed, walasheed ,iyo dhamaan wixii ehel iyo qaraabo u joogay
wadanka ay dagan tahay ,taasi oo ku tusinaysa sida fiican ee ay isugu aamintay.

Maadama wadamadan Yurub ay khasab tahay in qof kastaaba uu cuntadiisa karsado ,waxa
khasab ay ku noqotay Kariima iyo Muxsin in ay hal dhari wax ku wada karsadaan , lacagtana
midkastaba uu qaybtiisa bixiyo ,iyada oo ay labadooduba ay shaqeeyaan, hadana waxaa inta
badan cunta samayn jirtay Kariima madama wali uu iska sii jiro dhaqankeenii ahaa in dumarku
wax inoo kariyan raguna uu meelahaas is amiiriyo.

Waxyabaha faniga ah ee markasta Muxsin iyo Kariima ka dhex dhici jiray waxaa ka mid ahaa
,in Kariima madamaa uu Muxsin yahay nin aad uga wayn dhinaca da’da ,in ay ku karaamayn
jirtay markay u yeedhayso erayga “adeeeeeeer” balse Muxsin eraygaasi adeer ma uusan
jeclaan jirin ,waxaanu u arki jiray in uu yahay mid ay ku fogaynayso gayaan nimadiisa dhinaca
guurka !!
Kariima lafteedu caqligeeda ayay qabtaaye waxa ay eraygii “Adeeeeeeer” ku badashay
madama uu muxsin dhibsaday kelmadda Walaalo ,inkastoo uu Muxsin uu kelmaadaasi walaal
uu aad ugu riyaaqi jiray, hadana waxa uu kasii jeclaan lahaa in ay markasta oo ay u yeedhayso
ay ku tidhaahdo inaabti Muxsinow “abeensadii farta loo taagay fanaxay u boodaa” .

La soco qeybta 6-aad iyo sabtida dambe insha allaah

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *