Scroll to Top

Qeybta 6-aad Qisadii Taxanaha Aheyd : Masayrka Raggu Ilayn Waa Masiibo Qarsoon .

Waxaa Qoray Maxamuud Jamuuni / Waxaa La Daabacay Monday, 20 Nov 2017 07:37 AM / 1 Comment

Qaybtee 6-aad sheeko wadaagtii Jacaylka.

Kariima wakhtiga ay shaqada kasoo rawaxdo waxa ay inta badan jeclaan jirtay in ay fadhiisato
kuna nasato hoolka wayn ee Hotelku leeyahay ,kaasi oo dadka oo dhami isugu wada iman jiray
laguna daawan jiray TV-ga ,balse Muxsin isagu muu jeclaan jirin fadhiigaasi iyadana lamuu
celayn, sababta oo ah waxa aad u karhi jiray cidkasta oo uu isleeyahay gabadhaasi ayay
baranayaan.

Muxsin madama ay in muddo ah ay wada daganayeen isaga iyo Kariima ,waxa uu oogaaday in
ay gabadhani tahay tii Somalidu ku maahmaahday in la guursado “Boqol kala-bax”waxa uu
go’aan saday goor ay noqotaba in uu gabadhan gacanta ku dhigo ,Muxsin war kuma seegana
in gabadhani ay wakhtigan xaadirka ah ay madax banaan tahay ,warkaasi oo uu helay intii
aanay gobolka iman.

Somalidu waxa ay ku maahmaahdaa rag damac iyo dacari kama dhamaate ,madama uu
Muxsin sida laga warqabo uu ahaa markii horaba nin guurdoon ah ,ayaa hadana waxa ay
arintiisu noqotay ,meel aan rabay roob maygu eryay ,macnaha gabadhii sifaheeda aan ka fikiri
jiray ayaa Ilahay csw afka iiga soo gashay.

Kuma galo adduunyada
Ninna goonni-socodkoo
Marwo garasho dheer baa
Ninka raga u gudinoo
Iyadaa guddoonkiyo
Gadh-hayaa naftaadiyo
Gaadiidka reerkiyo
Gurgurshaaga noqotoo
Arrin kula gorfaysee
Haddaan gaari kula jirin
Ilayn noloshu guul ma leh.

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Muxsin waxa uu u yeedhay Kariima ,waxaanu si aan
gabasho lahayn ugu soo bandhigay jacaylka dhabta ah ee uu u qabo ,waxa uu u sheegay in uu
go’aan saday dhankiisa in uu guursado.

Muxsin waxa uu Kariima u sheegay inkastoo uu dumar aan sidaa u badnayn uu soo guursaday
,hadana wali aanu arag gabadh iyada la mid ah ,waxa uu uga waramay waxa uu ku doortay oo
dhan.

Waxan aan maleeyee , ii muuqan wayee
maankayga xadayaa , waa muhashadadee
Maree jacaylkaa , ila maaxdumaayee
Ma’ilaawin maalmahan , Mahadhada jacayl’kee
Ma’imiray anoo moog ; waa layla magee.

Kariima markii uu codsigaasu usoo gudbiyay Muxsin ,waxa ay jawaabtii ku noqotay Laf-dhuungashay
,waxa ay odhan kari wayday maya ,waxa kaloo ay odhan kari wayday haa arintuna
waxa ay ku noqotay af-kala qaad .

Kariima marna maskaxdeeda may galin kamanay filayn in Muxsin arin sidan oo kale ugu culus
in uu usoo bandhigaayo,waxa ay jeclan lahayn in barashadu halka ay hada marayso ee
walalnimada in aan laga dhaqaajin .

Kariima codsigii Muxsin aadbuu maskaxdeeda u ruxay ,waxa uu kiciyay dareemadeeda ,Muxsin
waxa ay u sheegtay in ay rabto in ay wadankan ay waxbarasho ka gasho ,waxa kaloo ay ku
dadaashay in ay fahamsiiso in ay iyadu tahay qofka kaliya ee ay dhici karto in aay maanta
mustaqbal kasugayaan dadkii ay ka dhalatay .

Kariima iyada oo ixtiraam iyo sharaf u haysa Muxsin, ma-aysan odhan sida dadka qaarkii
walaalow kuma rabee iga raali ahaaw,balse waxa ay si lagarawsan karo ugu soo bandhigtay
qorshayaasheeda ay rabto in mustaqbalka dhaw iyo kan fogba ay ka midha dhaliso ,kuwaasi oo
ay mid mid ugu sharaxday .

Waxa ay ku tidhi walaal wakhtigan xadirka ah ma gali karo arin guur,taas macnaheedu mahan
in aan adiga ku diidaayo ,waan ogahay oo waxa aad igu leedahay ixtiraam waxa aad tahay
qofka kaliya ee sida fiican ee sharafta leh ii gacan qabtay,wanan kuu ogahay abaalkaasi, balse
ma garan karo goor aan gudi doono sidaa awadeed walaal arintaasi guurka waxaan jeclaan
laha in aad iga dhaafto!!

La Soco Qeybta 7-aad Iyo Todobaadka Dambe Insha Allaah 

One thought on “Qeybta 6-aad Qisadii Taxanaha Aheyd : Masayrka Raggu Ilayn Waa Masiibo Qarsoon .”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *