Scroll to Top

QIIMEYN: Akshey Kumar , SRK , Salman Khan : Waa Kuma Jilaaga Shacbiyadda Ugu Badan Sameeyey Sanadkaan 2017, Deepika , Priyanka Oo Iyagana Kala Haray Sanadkaan

Waxaa Qoray Maxamuud Jamuuni / Waxaa La Daabacay Wednesday, 06 Dec 2017 09:03 AM / No Comments

Sanadkaan 2017 ayaa dhamaad maraya waxaana la sameeynayaa tirikoob iyo xog aruurin dhan walba kuna saabsan jilaayaasha Bollywood-ka iyo awoodooda dhanka Social Media-ha.

Qaar kamid ah jilaayaal caan ah ayaa la dareemayaa in sanadkaan ay hoos u dhac sameeyeen dhanka Twitter-ka , waxaana jira sidoo kale kuwa kale oo awoodooda muujiyeen.

Shaqsiyaadka ugu caansan macaamiilka fiican ku leh Bollywood-ka waa Narendra Modi oo ah Ra’isul wasaaraha India.

Dhanka Jilaayaasha waxaa kasoo muuqday Amitabh Bachchan oo ah shaqsiga 2aad ee India ugu shacbiyadda badan dhanka Twitter-ka , sidoo kale waxaa booska 3aad xertay SRK.

Slaman Khan iyo Akshey Kumar ayaa boosaska 4aad iyo 5aad kala xerteen , waxaana macquul ah inay hoos u dheceen sare u kac fiican ma sameeyn sanadkaan.

Dhanka Atariishooyinka waxaa booska 1aad soo gashay Deepika Padukona oo guud ahaan marka qiimeeyntaan la fiiriyo kaga jirta kaalinta 7aad, waxaase jirta inay ka sareeyso jilaayaal caan ah dhanka ragga sida Hrithik Roshan.

Guess Which Bollywood Stars Are Included In The List Of Most Followed On Twitter!

Shaqo ahaan iyo filimaanta ay jilaan marka laga soo gudbo jilaayaashaan waxaa ay inta badan ku kala wanaagsan yihiin qaabka taageeriyaasha looga soo jiito dhanka iyo baraha bulshada.

Salman Khan ayaa shacbiyad fiican sameeyey kadib markii la fasaxay goos gooska filimkiisa Tiger Zinda Hai, waxaana filimkaan la daawandoonaa 26th January 2018.

Haddaba Hoos Kala Soco Liiska

Guess Which Bollywood Stars Are Included In The List Of Most Followed On Twitter!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *