Scroll to Top

Qiso Dhab Oo Taxane Ah : Masayrka Raggu Ilayn Waa Masiibo Qarsoon!

Waxaa Qoray Maxamuud Jamuuni / Waxaa La Daabacay Saturday, 14 Oct 2017 00:00 AM / 4 Comments

Marka hore waxaa aan halkan mahad baladhan uga dirayaa Rabigeena csw ee Islanimada
inagu galadaystay,kaasoo Nabi Muxamed (N.N.K) inoogu soo dhiibay Waxyiga Quranka ee
dhamayska tirnaa.

Hor-dhac:-

Sheekadan halkan idiinka soo socota waa sheeko iyo qisso dhab ah oo ka dhacday wadan
wadamada Yurub ka mid ah,taasi oo iila muuqatay in aan dadka usoo gudbiya in ay fiican tahay
, madama aan u arkay in ay tahay sheeko waxbadan laga faa’idaysan karo .

Magaca sheekadu sida kor ku xusan waxa uu yahay “Masayrka raggu ilayn waa masiibo
qarsoon” iyada oo sababta aan sheekadan ugu magac daray ay tahay kadib markii aan wax
badan ka ogaaday in sheekadani ay raad wayn ku leedahay nin gabadh jeclaaday kadibna
Masayr iyo hiinase ku dhacay awadii uu gabdhii uu jeclaa uu foolxumo kula dhaqaaqay.

Akhristayaal inaga oo ilaalinayna xuquuqda iyo karaamada ay leeyihiin dadka ay sheekadani
sida gaarka ah ay u khusayso ,ayaa waxa aynu qarindoona sida inta badan dhacda marka
sheekoyinkan oo kale la qoraayo magacyada dhabta ah ee ay dadkani leeyihiin.

Waxa aynu sheekadan ku mala-awaali doonaa ,magacyo aan isleeyahay waxa ay u qalmaan
dadka ay sheekadini khusayso ,magaca ugu horeeyaa waa Kariima oo aynu ugu yeedhi doono
gabadha sida wayn ay sheekadani u khusayso amma aktarada Magaca labaadna
waaMuxsin oo ah ninka sida layaabka leh sheekadan ugu suntan iyo Magaca sadaxaad oo
ah Daacad oo isaga laftiisu sheekadan kaalin laxaadleh kaga jira.

Gogol xaadh :-

Dunidan aynu ku nool nahay doodi kama taagna in ay Jaceyl ku uu yahay wax jira oo Ilahay
csw Aadmigiisa ku abuuray ,qofkasta oo aad waydiiso waxa uu yahay jacaylku waxa uu ku
sheegayaa in uu jacaylku jiro balse waxa laga yabaa in qofkastaba uu qaab gooniya u fasiro.
Qofka uu jacaylku hayaa waxa la mid yahay , qof saaran Doon Bilaa shiraaq ah oo badwaynta
dhexdeeda ay mawjadaha baddu ay marba meel ku tuurayaan,cid uu miciin sadaana aanay u
muuqan .

Isbarasho dhex martay laba qof ayaa kow u ah asaaska jacaylka ,kadibna waxaa bilaabanta
xiiso iyo wada sheekaysi kaasoo looga sii gudbo kalgacal iyo is-raali galin aakhirkana u gudubta
jacayl dhab oo ay laba qof isu qadaan amma mid ahaan uu kan kale uu qaado.

Inta badan sheekooyinka kusoo aroora jacaylku, xiisu badan ma yeeshaan hadii ay labada qof
ee isjeceli ay yihiin kuwo isaga garabaa ,isku sina u wada arka jacaylka ay isu qabaan inta uu
leeg yahay,balse waxa ay sheekadu xiiso iyo xamaasad gooniya leedahay dadkuna ay jecel
yihiin ,marka labada qof mid ka midii uu si daran wax u jecel yahay ,kan kalana aanu ku
raacsanayn.

Jaceylku waa dareen ,waa lahasho ,waa hibasho , qofka wax jecel waxa ku abuuran warwar iyo
walaahaw, qofka jacaylku hayaa waa jooge maqan oo aan dhanaba jirin,ma seexdo oo hurdo
way kala tagaan .

Jacaylku malaha dhakhtar loola tago iyo daawo laga liqo oo markaaba kaa bogsiisa balse
waxaa dhakhtar iyo daawaba u ah qofka uu jacaylku hayo, in uu helo qofkuu jecaylaa ee
qalbigiisu la jiray.

Hadii aan jacayl jirin , jaar lam ahadeen
Hadii aan jacayl kirin , Jagi lama cayareen
Hadii aan jacayl jirin , Adunyadu ma joogteen.
Sheekada madama ay dhinacyo badan oo dad ahi ay ku jiri karaan ,waxaa aniga sheekadan
xogteeda oo buuxda i siiyay si aadana iiga codsaday in aan qoro ,mid ka mida darafyada ay
sheekadani khusayso ,kaasi oo ahaa mid qisadan iyo sida ay u dhacdayba bilaw ilaa dhamaad
la socday.
Qaybta 1-aad ee sheekadu waa tan :-

Kariima waa gabadh Somaliyeed oo qurux badan , waa gabadh midabka ugu fiican ee mariindhalaalka
xiga leh,waa gabadh wajigeeda ka dhawrtay is-cadaynta aan cilmiga ku dhisnayn ee
dumarkii Somaliyeed qaar ka mida lagu ibtileeyay ,waa gabadh dhererkeedu meel dhexaad
tahay ,waa gabadh jiniyad leh oo muuqeeda marqudha aanad ka jeedsanayn.

Kariima qofkasta oo arkaa amma bartaa waa gabadh aanu ka xiiso goynayn, bulshonimo iyo
bashaashnimo diin ku salaysanna Ilahay ku manaystay ,waa gabadh ku dadaasha in ay ka
fogaato waxkasta oo ay isleedahay sharafteeda iyo dhagtaada ayuu dhawacayaan.

Kariima waa gabadh ay adag tahay in si fudud ay u duufsadaan ,dhalinyarada iyo dhabcalada
inta badan aan dhawrin dhagta iyo sharafta gabdhaha Somaliyeed ,waa gabadh ka dhiidhida
xumo dhamantii ,tasoo gabdhaha la dhigaalka ahna ku dhiirisa in ay dhag xumo dhamaan teed
ka dhawr-sadaan.sidoo kale waa gabadh ku fiican waxtarka iyo taakulaynta dadka .

Kariima waxa ay ka dhalatay Qoys Somaliyeed oo sharaf iyo karaamo ku dhex lahaa dadkii ay
la degeenka ahaayeen ,waxay ka dhalatay qoys aan dhaqaale buuran haysan , waxa ay la
noolayd Aabo iyo Hooyo u darban sidii ay nolosheeda iyo tan caruurta ay walalaha yihiinba u
daryeeli lahayeen.

Wakhti lagu qiyaasi karo 1993 ayaa Kariima waxa ay hoyadeed ku dhimatay dalkii Somaliya
iyada oo u dhimatay xanuun kusoo boodo ahaa , waxaa sidoo kale rabshadahii wakhtigaasi
dalka ka jiray isagana dhawac kasoo gaadhay abaheed ,intaasi wixii ka danbeeyay Kariima iyo
caruurtii kale ee ay walalaha ahayeenba waxa soo food saartay duruuf aad u adag.

Kariima iyo caruurtii ay walalaha ahayeenba, waxa uu qorshahoodu noqday in ay kala
qaybsadaan dadkii ehelka ugu dhawaa sida Edooyinkii iyo Habaryarahii iwm taasi waxa ay
sababtay in dhamaan caruurtii walalaha ahaa ee is-dugsanayay qaarbe meel la geeyo duruuf
iyo dantimi awadeed.

Hadaba La Soco Qeybta Labaad Sabtida Dambe ,Sheekadaan Sabti Waliba Ayaan Soo Daabaceynaa Haddii Alle Idmo 

W.Q .Qareen/khadar Ibrahim Aar

khadaraar7@gmail.com
https://twitter.com/khadar_aar

 

4 thoughts on “Qiso Dhab Oo Taxane Ah : Masayrka Raggu Ilayn Waa Masiibo Qarsoon!”

  1. horta asc maandeeq.net aniga waxaan ku xeranahy warqaad.info oo aan k ahelay cinwaankiina oo aan ahay aqrixtaha ugu badan oo maalintii gala in kaban 25 jeer oo booqo ee waa idin soo dhaweyanyaa in badan

  2. asc xaqiiqatan waa sheeko aan ka helay mida kale waxaan ka codsa naayaa gudiga maandeeq in sheekada ey kala goynin iyo in ay said u badinin mahadsanidiin

    1. horta asc maandeeq.net aniga waxaan ku xeranahy warqaad.info oo aan k ahelay cinwaankiina oo aan ahay aqrixtaha ugu badan oo maalintii gala in kaban 25 jeer oo booqo ee waa idin soo dhaweyanyaa in badan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *