RASMI: Heerka Uu Maraya , Meesha Uu Tiigsanayo & Wacdaraha Box Office-ka Uu Ka Sameeynayo Filimka Tiger Zinda Hia

RASMI: Heerka Uu Maraya , Meesha Uu Tiigsanayo & Wacdaraha Box Office-ka Uu Ka Sameeynayo Filimka Tiger Zinda Hia

Jilaaga caanka ah ee Salman Khan ayaa weli sii wata wacdarihiisa Box Office-ka gaar ahaan saameeynta uu sameeynayo filimka Tiger Zinda Hai , waxaana uu filimkaan sii marayaa keliya lacagaha uu kasoo xareeyey gudaha India  252.52 crores.

Taxanaha filimkaan waxaa uu noqondoonaa mid saameeyntiisa sii socota waxaana uu awood ahaan sameeynayaa inuu dhaafo filimaantii hore ee Salman Khan u saarnaayeen Box Office-ka.

Tiger Zinda Hai ayaa noqday filimkii 3aad ee lacagaha ugu badan ka sameeyey Box Office-ka gaar ahaan kuwa uu sameeyey Salman Khan , waxaa sidoo kale uu  u socdaa inuu dhaafo kuwa kale oo horey u sameeyey jilaagaan.

Filimkaan Tiger bartilmaameedkiisa ugu weyn ee uu sameeyey ayaa ah inuu dhaafo Sultan oo soo uruuriyey 300.45 crores iyo Bajrangi Bhaijaan oo shaqeeyey isagane 320.34 crores.

Haddaba Hoos Kala Soco Liiska Filimaanta Ugu Liiska Fiican Salman Khan Uu Sameeyey:-

Bajrangi Bhaijaan 2015 320.34 Cr
Sultan 2016 300.45 Cr
Tiger Zinda Hai 2017 252.52* Cr
Kick 2014 233.00 Cr
Prem Ratan Dhan Payo 2015 207.40 Cr
Ek Tha Tiger 2012 198.00 Cr
Dabangg 2 2012 158.50 Cr
Bodyguard 2011 142.00 Cr
Dabangg 2010 138.88 Cr
Tubelight 2017 121.25 Cr

Filimkaan ayaa dhanka kale noqonkara filimka keliya ee Baahubali gaara marka la eego filimaanta sanadkaan la sameeyey , sababtoo ah baahubali 2 waxaa uu soo xareeyey 510.99 crores.

Dhanka kale Katrina Kaif ayaa wax ka sameeysey filimkaan waxayna gabadhaan soo saartay lacag dhan 300 crore waana filimkii ugu horeeyey ee Katrina Kaif kasoo muuqata wacdarane ka sameeya Box Office-ka.

Share this post

Post Comment