RASMI: Lacagaha Uu Soo Xareeyey Filimka Tiger Zinda Hai Gudaha India & Daafaha Caalamka & Rikoorka Uu Ku Dhowyahay..

RASMI: Lacagaha Uu Soo Xareeyey Filimka Tiger Zinda Hai Gudaha India & Daafaha Caalamka & Rikoorka Uu Ku Dhowyahay..

Filimka Tiger Zinda Hai ayaa saameeyn xoogan ka sameeynaya Box Office-ka waxaana filimkaan lacago ahaan uu sameeynayaa waxyaabo badan oo ku saabsan dhanka Box Office-ka , sidoo kale waa filim mar walba qiimeeyn xoogan  laga dareemayo.

Ali Abbas Zafar filimkiisa ayaa maanta daafaha caalamka  kasoo xareeyey lacag ku dhow 500 Crore lagana keenay daafaha caalamka , maxaa yeelay wax walba ayaa laga filankarey Tiger.

Filimkaan ayaa todobaadkiisa koowaad tiyaatarada India kasoo xareeyey 250 Crore, waxaana uu noqday midaan joogsi lahayn dhanka sameeynta lacagaha gudaha iyo dibaddaba.

Filimaan badan oo ka horeeyey lana saaray Box Office-ka ayuu sidoo kale dhaafay filimkaan , waxaana kamid ah filimaan uu sameeyey isla Salman Khan.

Filimkaan ayaa hada gudaha India ka maraya 272.79 crores , waxaana uu ku dhowyahay marka lagu daro lacagaha Online –ka 349.17 crores gross, si lamid ah daafaha caalamka waxaa uu ka keenay 448.17 crores worldwide.

Qaab wanaagsan oo lala dhacay ayuu hadda u shaqeeynayaa Tiger Zinda Hai , waxaana uu gudaha India ila maanta kasoo xareeynkaraa ama ilaa iyo berri 300 Crore.

Dhanka daafaha caalamka goobaha sida xoogan filimkaan looga iibsaday waxaa kamid ah Abu Dhabi, Austria, Morocco and Greece.

‘’Aad ayaan ugu faanayaa xaalada iyo marxaladda uu marayo filimka Tiger ,’’ ayuu yiri Ali Arbaz oo ah Director-ka filimka.

Salman Khan iyo Katrina Kaif ayaa shaqada ugu badan ee filimkaan qabteen waxaana labada jilaa ku dhow yihiin in rikoor cusub ka sameeyaan Box Office-ka.

 

 

Share this post

Post Comment