Scroll to Top

RIKOOR: Ajay Devgan Oo Maanta Rikoor Ka Dhigay Gudaha India .. Looma Dhawaan Karo Jilaaga

Waxaa Qoray Maxamuud Jamuuni / Waxaa La Daabacay Sunday, 12 Nov 2017 19:40 PM / No Comments

Ajay Devgan ayaa sanadkaan wacdaro ka sameeyey Box Office-ka waxaana filimkiisa Golmaal Again uu kamid noqday filimaanta ugu saameynta badan Box Office-ka , waxaana uu weli muujinayaa awoodiisa Box Office-ka.

Filimkaan waxaa wacdaraha ugu badan dhigeen xidigaha kala ah Ajay Devgn, Arshad Warsi, Parineeti Chopra, Tabu, Shreyas Talpade, Kunal Khemmu, Tusshar Kapoor, Prakash Raj and Johnny Lever.

Si gaar ah waxaa loogu mahad celindoonaa Rohit Shetty oo ah filimsameeye wax badan ka bedelay filimkaan sidoo kale waa Director-ka filimkaan , sidaas darteeda waxaaa uu mar walba sameeyaa inta badan filimaan taxane ah.

Guulo muhiim ah ayuu weli filimkaan dhex mushaaxayaa waxaana uu maraya todobaadkisa afaraad ee uu saaran yahay Box Office-ka mana joojinaya lacagaha kasoo xaroonayaan.

Filimkaan ayaa noqday filimkii ugu horeeyey ee uu sameeyey Ajay Devgan kaas oo Box Office-ka India kasoo xareeya lacag dhan 200 crore.

Taageeriyaal badan ayaa aad ula dhacay qaabka loo jilay qeybta afaraad ee filimka Golmaal Again waxaana uu filimkaan noqday mid kamid ah taxanaha ugu wanaagsan ee Bollywood-ka.

Waxaa uu kamid noqday taxaniyaal badan oo ay isla keeneen Ajay Devgan iyo Rohit Shetty kuwaas oo sidoo kale taxaniyaal kale soo saareen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *