RIKOORO: Ku Laabashada Booska 2aad, Guusha Manchester United , Guuldaro Klopp & Reds & Waxyaabihii Laga Bartay Kulamadii Xaley Ee Primer League

RIKOORO: Ku Laabashada Booska 2aad, Guusha Manchester United , Guuldaro Klopp & Reds & Waxyaabihii Laga Bartay Kulamadii Xaley Ee Primer League

Todobaadkaan horyaalka Primer League ayaa noqday mid saameeyn xoogan leh , waxaana la sugayaa qaab ciyaareed ahaan in horyaalka uu nodo mid saameeyn leh gaar ahaan kaalmaha hore iyo kuwa kale.

Manchester United ayaa qaab ciyaareedkeeda caadiga ah kusoo bilaabatay , waxaana ay kooxdaan booskeeda kala soo wareegtay Chelsea.

Xaley kulamadii ugu muhiimsanaa ee la ciyaaray waxaa wada ciyaaray Manchester oo wajahday Everton , iyo Liverpool oo ka hor timid kooxda Burnley.

Haddaba Aan Idin La Wadaagno Waxyaabaha Ugu Weyn Ee Ciyaarahaas Laga Diiwaan Geliyey:-

 

Liverpool 2-1 Burnley:-

 

Kooxda Liverpool ayaa sii ordeysa 16 kulan oo guuldaro la’aan ah tartamada oo dhan 11 kulan ayey badisay, shan kulanna bar bar dhac, waana rikoorka guuldaro la’aanta ee ugu dheeraa tan iyo markii Klopp kooxdaan loo dhiibay.

Sidoo kale waa markii ugu horeeysey ee kooxda ay guuldaro la’aan ahaato 13 kulan oo Primer League kadib tan iyo Klopp.

Burnley ayaa laga dhaliyey goolal badan labadii kulan ee ugu dambeeysey Primer League ay ku dheeshay garoonkeeda Turf Moor waxaana laga dhaliyey shan gool.

Kooxda lagu naaneeso The Clarets ayaan badin shantii kulan ee ugu dambeeysey ay dheeshay , seddex bar bar dhac , laba kulanna waa laga adkaaday

Sadio Mane ayaa ku lug lahaaday shan gool afartii kulan ee ugu dambeeysey ay banaanka kusoo dheeshay , laba gool ayey dhalisay , seddex caawinaadna wey sameeysey.

 

Everton 0-2  Manchester United.

 

Kulankii xaley ayaa ahaa kulankii 35aad ee Manchester United ay guul ka gaarto kooxda Everton , waana in ka badan kooxaha kale.

Anthony Martial ayaa ku lug lahaaday lix gool shantii kulan ee ugu dambeeysey ee uu wajahay kooxda Everton  tartamada oo dhan , afar gool ayuu dhaliyey , laba caawinaadna waa uu sameeyey.

Paul Pogba ayaa ku lug lahaaday 10 gool 12 Pirmer League uu ciyaaray xilli ciyaareedkaan , seddex gool ayuu dhaliyey 7 caawinaadna waa uu sameeyey.

 

Share this post

Post Comment