SIDEE BAAN NOLOSHEENNA UGU SAMEYN KARNAA ISBEDEL AAN KA SOO NOQOD LAHAYN?

SIDEE BAAN NOLOSHEENNA UGU SAMEYN KARNAA ISBEDEL AAN KA SOO NOQOD LAHAYN?

Waa ay fududahay inaan dhegaysanno farriimo muhiim ah ama aan aqrisanno Buugaag wax ku ool ah oo wax badan ka badalaya Garaadkeenna iyo Go’aankeennii hore, balse halka lagu kala haray ayaa ah farriimahaasi muhiim ah ama xogtaasi aan helnay sidii aan uga dhigi lahayn kuwo hirgala ama aan ugu dabaqi lahayn nafsaddeenna.

Ogowna Dadka guusha ka gaaray noloshooda iyo kuwa guuldarreystay waxa ay ku kala haraan waa halkaas, kuwo waxa ay ka dhabbeeyaan hadafkooda oo waxa ay qaataan go’aan adag si ay u gaaraan yoolkooda, ugu dambeynna waa ay guuleystaan.

Kuwo kalena, waxa ay dhageystaan ama aqriyaan farrimaha muhiimka ah waana ay ogyihiin inay wax ka bedelayaan naftooda, balse ma qaadanayaan go’aan adag mana doonayaan inay bixiyaan qiimaha isbedelka.

HADDABA MAANTA WAXAAN IDINLA WADAAGAYAA SADDEX QODOB OO AY TAHAY INAAD DIYAAR U AHAATID HADDII AAD DOONAYSID INAAD NAFSADAADA KU SAMEYSID ISBEDEL JOOGTO AMA ISBEDEL AAN KA SOO NOQOD LAHAYN:-

1- Inaad diyaar u ahaatid raaxo la’aan!

>- Isbedelku ma’ahan wax fudud, ogowna laguma dhihin habeen iyo maalin ayaad wax walba oo isbedel ah ku samaynaysaa noloshaada.

Cidna ma dhihin habeen maalin ayaad ku noqonaysaa qof xiddig ah ama habeen iyo maalin ayaad ku gaareysaa guusha aad doonayso, balse isbedelku waa uu adag yahay, waana inaad marka hore aamintaa middaas.

Sababta loo yiri isbedelku waa mid adag waa in aad ka tagayso waxyaabo aad sanado badan ku soo dhex-jirtay oo aad qabatintay ama aad caado ka dhigtay, isla markaana aad u guureyso meel kale oo cusub.

Inta aad isbedelkaas ku guda jirto waxaad dareemeysaa farxad la’aan, waxaa kula coloobaya qaar ka mid ah saaxiibadaa, marka sidaas darteed waa inaad u diyaar noqotaa raaxo la’aan, una dul qaado raaxo la’aanta waayo noloshaada ayaad u sameynaysaa isbedel waara.

2- U diyaar garoow inaad la kulanto dad ku neceb!

>- Waa hubaal dadka oo dhan kuma jeclaanayaan inta aad ku guda jirto xilliga aad isbedel waara u sameynayso naftaada, marka u diyaar noqo inaad la kulanto dad ku neceb.

Nidaamkaan cusub ee aad hadda dejisatay dadka oo dhan kuguma ammaanayaan, mana kuugu sacab tumayaan, balse waxaa jiri doona oo aad la kulmi doontaa dad ku dheleeceynaaya oo kaa niyad jabin doonta isbedelka cusub ee aad bilowday, laakiin ha u joogsan oo dheg jalaq ha u siinin, maxaa yeelay noloshaada ayaad u sameynaysaa isbedel waara.

3- Ogaansho la’aan!

>- Ma ogin isbedelka aan sameynayo natiijada ka soo baxaysa, waana midaas sababta aanan ugu dhiiranaynin inaan isbedelkeenna dhabta ah bilowno.

Haddaba qoro waxa kuu qabsoomay laga bilaabo maalinta aad isbedelka bilowday illaa aad ka gaarto halka aad hiigsanayso ee ah guushaada, waxaadna ogaataa in sideennaba haddii aynu nahay bini’aadam aan jecelnahay natiijada muuqata, waayo ma doonayno ama waan ka cago jiidnaa wax aanay inoo muuqan natiijada ka soo baxaysa!.

Waxaan rajeynayaa inaad isbedel dhab ah samayn doono oo Sanadkan cusub ee maanta bilowga ah aad ka dhigan doonto sanad aad sameysay isbedel dhab ah oo aan ka soo noqod lahayn.

W/D: Haaruun Yuusuf Khasaaro

Share this post

One thought on “SIDEE BAAN NOLOSHEENNA UGU SAMEYN KARNAA ISBEDEL AAN KA SOO NOQOD LAHAYN?

Post Comment