Scroll to Top

SIR LA HELAY: Maxaa Ka Jira In La Helay Sawir Muujinaya In Lionel Messi Uu Ku Guuleysandoono Abaalmarinta Ballon d’Or?? Hadal Heynta Maanta

Waxaa Qoray Maxamuud Jamuuni / Waxaa La Daabacay Monday, 13 Nov 2017 07:14 AM / No Comments

Bisha soo socota ayaa la bixindoonaa abaalmarinta ciyaaryahanka ugu wanaagsan ee aduunka gaar ahaan bilada France Football Megazine, sidoo kale waxaa la rajeynayaa in abalmarintaan ay ku dagaalamaan markale Messi iyo Cristiano Ronaldo.

Sida uu ku bilowday xilli ciyaaredkaan ma wanaagsana Cristiano Ronaldo waxaana xidigaan uu marayaa 1 gool kadib 12 kulan oo la ciyaaray La Liga , sidoo kale xidigaan ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ka waayey saaxibadiisa kooxda.

Leo Barcelona weeraryahankeeda ayaa sii wada bandhigiisa kooxda waxaana xidigaan uu muujinayaa awooda uu ku leeyahay kooxda Barcelona kadib markii kooxdaas ka tagay Neymar.

French magazine France Football ayaa abaalmarinteeda qaab Online ahaan loo codeyndoonaa waxaana guuleystaha loogu geyndoonaa gurigiisa marka la ogaado inuu ku guuleystay abaalmarintaan.

Lionel Messi ayaa ugu badan abaalmarintaan shan jeer balse hada ayuu doonayaa Cristiano Ronaldo inuu ku guuleeysto soona bar bareeyo abaalmarintaan.

Waxaa la bixindoonaa abaalmarintaan bisha December ee soo socota , waxaana laga doonayaa dhamaan ciyaartooyda ka qeyb geleysaa inay helaan dhibic.

Lama filaan macquul marka la fiiriyo waxqabadka Messi ee afartii bilood ee ugu dambeeysey.

Hadal heynta ugu badan ayaa noqday markii sawir laga helay baraha bulshada kaas oo u muuqda in Messi uu ku guuleeystay abaalmarinta xidigaha ugu wanaagsan ee Bollon d’Or.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *