U GAAR AH DUMARKA: Joogteey Seddexdaan Haddii Aad U Baahan Tahay Inaad Ka Nasato Muranka Ninkaaga!!

U GAAR AH DUMARKA: Joogteey Seddexdaan Haddii Aad U Baahan Tahay Inaad Ka Nasato Muranka Ninkaaga!!

Aduunyada waxaa ay u baahan tahay in la helo lamaane wanaagsan, kaa farxinkara , sidoo kale kuu sameeynkara wax walba oo aad u baahan tahay , waxa ugu weyn ee uu qofka helikaro ama uu u baahnaankaro waa faraxd, kalsooni iyo in lagu qanacsan yahay.

Waxaa sidoo kale jira lamaaniyaal badan oo inta aan isguursan yihiin kuwa aad iskugu qanacsan isjecel balse marka ay isguursadaan waxaa dhacda inay iska hor imaadaan oo aan jaceyl jirin.

Midaas waa dhibaatada ugu badan ee ay la kulmaan lamaaniyaasha xilligaan , waana arin muhiim oo u baahan in la xaliyo , waxaana xalka sheekadaas ay Maandeeq.net kusoo gaba gabeysey Seddexdaan Qodob:-

1-Marka Hore Dooro Qof Dabeecad Wanaagsan:-

Waxaa muhiim ah loona baahan yahay in marka hore aad xulato qof kuu qalma oo nolosha kula qeybsada , waana wax wanaagsan in marka hore isdabeecad fahamtaan , ka hor inta aadan isguursan , xilliga haasaawaha ayaa qofka aad nolosha la wadaageysid dhan walba laga qiimeeyaa.

Qodobkaan waa muhiim gabaryahay , sababtoo ah waxaa lagaaga baahan yahay inaad xulasho sameeyso , waaana inaad la timaadaa dulqaada , maxaa yeelay waxaa macquul ah qof ay nafsadaada jeclaatay in lagaaga baahan yahay sidii aad iskaga dhaafi lahayd.

2-U Sheekeey Adigoo Ka Ilaalinaya Qof Seddexaad:-

Waa loo sheekeeyaa   , waxaa la baraa nuucyo badan oo sheeko ah , sidaas darteeda waxaa muhiim ah in marka arintaas dhacdo aad ka ilaaiso sheekadiin qof seddexaad.

Arintaan ma dhaawicidoonto qalbiga ninkaaga , keliya waxaa uu mar walba u baahnaanayaa dhegeysiga sheekadaada.

3-Ogow Waxyaabaha Uu Jecel Yahay (Raashiinka) & Waxyaabaha Uu Necebyahay(Daahitaanka , Maqnaanshaha , IWM))

Qodobka seddexaad waxaa loo baahan yahay inaad ilaaliso waxyaabah gaarka ah ee uu jecel yahay ninkaaga , gaar ahaan raashiinka , waa muhiim in midaas aad ogaato, waxaa sidoo kale muhiim ah inaad ogaatid waxyaabaha uu neceb yahay odeygaaga , sida inaad noqoto qof daahin badan , sidoo kale maqnaansho ku darsaday.

FG: Waxyaabaha waxaa loo baahan yahay inaad caqligaaga kaashato , maxaa yeelay Dagaalka Sariirtane Waa Muhiim !!!!!!

Share this post

Post Comment