WAAW: Akshey Kumar, Shah Rukh Khan , Salman Khan & Jilaayaasha Saaraan Tiyaatarada Aduunka Sanadkaan 2018 & Kuwa La Filayo

WAAW: Akshey Kumar, Shah Rukh Khan , Salman Khan & Jilaayaasha Saaraan Tiyaatarada Aduunka Sanadkaan 2018 & Kuwa La Filayo

Sanadkaan bilowga ah ee 2018 waxaa la sugayaa in shaashadaha caalamka la saaro filimaan waali ah kuwaas oo qorshohooda socday dhamaadka 2017, halka kuwa kale la bilaabidooni , waxaana la sugayaa markale jilaaga qabsandoona awooda Box Office-ka.

Akshey Kumar waa mid kamid ah jilaayaasha u qorsheysan inuu soo bandhigo filimaan badan , waxaa uu dejiyey ama diyaariyey ilaa iyo seddex filim, waxaana macquul ah in kuwa kale uu kusii daro.

 

Dhamaan filimaanta lawada sugayo sanadka 2018 waa kuwa sheeko ahaan soo jiidasho leh ,waana filimaan mar walba u la dhacayo daawadaha , sidaas darteeda hoos kala soco:-

1-Padman (Akshey Kumar:-

Padman

Filimkaan waxaa kasoo muuqandoono Akshay Kumar, Radhika Apte iyo Sonam Kapoor, waxaana la sugayaa daawashadiisa ama in la daawado bilowga sanadkaan.

2-Padmavati (Shahid Kapoor, Deepika & Ranveer Singh)

Padmavati (1)

Waa filim kale oo xamaasad leh , waxaa uu ahaa qorshaha in la daawado bisha November, si lamid ah December , balse dood ayaa ka dhalatay , sababtoo ah waxaa la isku qabsaday dooda filimka oo ah inaan ahayn sheekadiisa mid sareeysa.

3-Race 3(Salman Khan):

Race-3

Salman Khan ayaa soo wada qorshaha filimka Race 3 ee bisha soo socota bilaabandoono diyaar-garowgiisa , waxaana uu qabaa Salman Khan in filimkaan uu yahay mid xamaasad ahaan noqondoono mid cajiib ah.

4-2.0 (Akshey Kumar & Rajinikanth )

2.0-Poster

Akshey Kumar waxaa uu u noqondoonaa filimkiisa 2aad ee sanadkaan 2018 la daawandoono , waxaana kula wehliya jilaaga caanka ah ee Rajinikanth .

5-Thugs Of Hindostan(Aamir Khan)

Thugs-Of-Hindostan-3

Aamir Khan waa jilaa ku caan ah inuu hal filim sameeyo sanadkii, waxaana macquul ah in filimkaan uu kamid ah noqdo sida filimaantaas sababtoo ah jadwalkiisa ayaa noqondoono mid dhirir badan.

 

FG: waa ay jiraan filimaan kale oo la daawanayo sanadkaan 2018, balse waxaa muhiim ah kuwaan , Shah Rukh Khan filimaantiisa weli cinwaan looma sameeyn , halka kuwa kale ay yihiin kuwa aan qorshaha weli lagu darin.

 

 

 

Share this post

Post Comment