Scroll to Top

Wiilka Uu Dhalay Jakice Shroff Ee Tiger Shroff Oo U Rumowday Riyadii Uu Ku Riyoonayey Tan Iyo Yaraantiisa Kadib Markii Uu Ogaaday ….

Waxaa Qoray Maxamuud Jamuuni / Waxaa La Daabacay Tuesday, 05 Dec 2017 08:49 AM / No Comments

Jilaaga sanadahaan qabsaday shaashadaha Bollywood-ka ayaa hadda u rumowday riyo uu ku riyoonayey wax badan , waxaana uu jilaagaan haminayey inuu ahaado sida jilaaga Hrithik Roshan.

Tiger ayaa soo jilay filimaan badan kuwaas oo qaab ahaan shaabaho Hrithik Roshan , waxaana uu sheegay in mar walba xilliga uu yaraa uu jeclaa inuu ahaado sida Hrithik Roshan.

Filimsameeye Siddharth Anand ayaa ugu dambeeyn ku guuleeystay inuu isku keeno labada jilaa oo kasoo wada muuqandoonaan hal filim.

‘’Waxaan marar badan hamiyey la shaqeynta Hrithik Roshan , in badan waaan xiiseeyey waxa ku saabsan filimaantiisa, waxaana u mahad celinayaa qof walba oo arintaan saameeyn ku yeeshay,waa qofka aan ku daydo isaga, wax walba oo aan ahayna isagaan kaga daydaa, maxaa yeelay waxyaabo cajiib ah ayaan ku arkay tan iyo yaraanteyda , ‘’ ayuu Tiger sheegay.

‘’Waxaan is diyaarindoonaa wax badan , waa shaqsi aad u howlkar badan , waxaa uu %100 isiiyey kalsooni dhameystiran, waxaa uu ahaandoonaa mar walba qofaan ku daydo,’’ ku daray.

Filimkaan cusub oo wada kulansiindoonaa laba jilaa balse mid kamid ah lagu daydo ayaa laga sugayaa qorshihiisa shirkada qeybisa filimaanta ee Yash Raj.

Sidoo kale jilaagaan ayaa wax laga weydiiyey filima uu soo wado ee Baaghi 2 , iyo muuqaalkiisa cusub waxaana uu sheegay inuu mar walba jecel yahay timaha inuu deysto , laakiin waxaa uu filimkaan jilidoonaa isagoo aan timo dhaadheer lahayn.

‘’Waan u xiisay timaheyga , balse qaabkaan waa sida aan ku jilidoono filimka Baaghi 2 , ‘’ ku jawaabay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *