XAQIIQ: Maxaa U Sabab Ah Hoos U Dhaca Ay Sameeysey Atariishadii Wacdaraha Sameeyn Jirtay Ee Aishwarya Rai Bachchan?

XAQIIQ: Maxaa U Sabab Ah Hoos U Dhaca Ay Sameeysey Atariishadii Wacdaraha Sameeyn Jirtay Ee Aishwarya Rai Bachchan?

Waxaan shaki ku jirin in Aishwarya Rai Bachchan  ay kamid ahayd Atariishooyin soo maray Bollywood-ka kuwooda ugu saameeynta badnaa dhanka jiliinka, sameeynta aflaanta iyo tayo ahaan sida loo sameeyo filmaanta, waxaana mar walba muhiim ah in la ogaado sababta hadda dejiyey Aishwarya Rai Bachchan.

Gabadhaan ayaa Bollywod-ka sameeysey filimaan aan caadi ahayn kuwaas oo dhamaantooda guulo ka sameeyeen Box Office-ka, sidoo kale waaa atariisho muuqaal ahan ka duwan kuwa kale , qof walba oo fiiriya Aish waxaa uu ku mashquulaa quruxda indhaheeda.

Waa 44 sano jir  wax badan ayeyna jilaa tahay waxay bilowday inay wax sameeyso ama jilaa noqoto 1987, waxaana ay sameeysey sheekooyin iyo filimaan lagu wada maqsuuday.

Awooda Aishwarya Ee Dhanka Aflaatna (1987 – 2007)

Related image

Muddadaan waxaa la arkaa in wax badan atariishadaan ay sameeysey , maxaa yeelay waxaa mar walba la arkaa awooda gaarka ah ee ay leedahaya Aisha.

Hum Dil De Chuke Sanam, Na Hanyate , Devdas ,Dhoom 2 iyo filimaan kale ayey sameeysey kuwaas oo saameeyn xoogan ku yeesheen qof walba oo daawaday.

Aishwarya Rai dhanka kale waa atariisho filimaan la sameeysey shaqsiyaadka ugu caansan Bollywood-ka , sababtoo ah xilligeeda waxaa uu ahaa xilli aan caadi ahayn waxaana ay heshay fursad fiican oo ay ku yeelatay awood kale.

Maxaase Isbeddelay?

Image result for Aishwarya Rai

Aishwarya Rai ayaa howsheeda iska wadatay waxaana ay inta badan ku dadaashay inay wax walba iyo bilad walba hanato , laakiin waxaa dhacday inay hoos aado.

Sanadkii 2007 waxaa ay Aishwarya Rai ku biirtay qooyska Amitabh Bachchan sababtoo ah waxaa guursaday Abhishek Bachchan oo ah wiilka uu dhalay Amitab.

Tan iyo dhacdadaas kadib gabadhaan ayaa ka mashquushay Bollywood-ka waxyna waqtiga ugu badan la qaadatay qooyskeeda , iyadoo ka fikereysa xaalada mustaqbalkeeda.

Wey jiraan filimaan ay sameeysey balse sidaa uma caansana , waxaana ay waqtiga ugu badan siisay ninkeeda.

Balse waa ay soo laabatay sanadkii lasoo dhaafay filimka ay sameeysey ee Ae Dil Hai Mushkil iyo kuwa kale ee hadda soo wada.

 

Share this post

Post Comment