Scroll to Top

XAQIIQOOYIN MUHIIM AH: Ferguson Ka Hor Aston Villa Inay Ka Koob Badneeyd Manchester United, Ciyaaryahan Hal Mar Seddexleey Ka Dhaliyey 3 Goolhaaye Oo Kala Duwan …Xiddig Hal Maalin Laba Kulan Ciyaaray & 7 Xaqiiqo Oo Aad Uga Baahan Tahay Kubadda Cagta

Waxaa Qoray Maxamuud Jamuuni / Waxaa La Daabacay Tuesday, 14 Nov 2017 10:33 AM / 3 Comments

Kubadda cagta waxaa la qoraa oo la dhigaa waxyaabo badan oo diiwaanka lagu daro, sidaas darteeda Maandeeq.net ayaa idin soo gudbineysa xaqiiqooyin muhiim ah oo ku saabsan kubadda cagta kuwaas oo muhiim u ah dadka.

Xaqiiqooyinka ugu muhiiimsan waxaa kamid ah –in Aston Villa ay ka koob badneyd Manchester United ka hor inta aan tababare laga dhigin Ferguson, in hal ciyaaryahan hal maalin uu u ciyaaray xul iyo koox iyo xaqiiqooyin kale,…

  1. Mark Hughes Ayaa Hal Maalin U Wada Ciyaaray Wales Iyo Bayern Munich Sidee?

Mark Hughes oo hada Macalinka kooxda Stoke City ayaa rikoor loo diiwan geliyey oo ah inuu halmaalin ciyaaray laba kulan isagoo matalaya xulka Wales iyo kooxda Bayern Munich.

Halyeeygaan waxaa la wareegtay kooxda Bayern Munich isagoo ciyaaray kulan Wales iyo Czechoslovakia ay ku kulmeen ciyaarihii Euro ee 88.

‘’Waxaan la casheeyey Uli Hoeness kaas oo  wax iga weydiiyey ciyaartii Wales , ‘’waxaan u sheegay inay ahayd saq-dhexe, Ulio oo xilligaas ahaa Macalinka Bayern Munich ayaa daawaday kulankaas , waxaana uu arkay Hughes oo bandhig fiican sameeynaya, kadib xiddigaan ayaa ciyaaray ciyaar Bayern Munich ay la ciyaartay Borussia Monchengladbach.

‘’Waxaan soo aadnay Germany kadib markii ay dhamaatay ciyaartii Wales , keliya waxaan seegay qeybta hore ee ciyaarta waxana soo galay qeybta 2aad kadibna Bayern Munich waa ay badisay.

2-Alvin Marin Ayaa Seddexleey Ka Dhaliyey Seddex Goolhaaye Oo Kala Duwan.

Daaficii muhiimka ahaa ee kooxda West Ham United Alvin Martin ayaa waahay Newcastle United 1986 , waxaana uu dhaliyey seddexleey weliba seddex goolhaaye oo kala duwan.

Ciyaaryahankaan ayaa goolka hore ka dhaliyey goolhaaye Martin Thomas , kadib waa uu dhaawacmay waxaa bedelay Chris Hedworth , waaa uu ka dhaliyey hadane, waxaa sii bedelay Peter Beardsley.

3-Tan iyo 1982 Ugu Yaraan Hal Ciyaaryahan Oo Ka Tirsan Kooxda Bayern Munich Ayaa Kasoo Muuqanayey Final Koob Aduun.

Football trivia

Waa sax sheekadaan waxaana jira ciyaarahano badan oo kasoo muuqdeen koobka aduunka Finalkiisa, waxaana ay kala yihiin ciyaartoydaas.

Jorginho (Brazil in ’94), Bixente Lizarazu (France in ’98), Willy Sagnol (France ’06) iyo  Arjen Robben (Netherlands ’10)

4-Ka Hor Inta Uusan Ferguson Macalin Looga Dhigin Manchester United Aston Villa Ayaa Ka Horyaal Badneyd Kooxda Manchester United.

Waa run, Ferguson ayaa laga dhigay Macalinka kooxda Manchester United 1986 xilligaas kooxda Aston Villa ayaa ka koob badneyd kooxda Manchester United, sabbtoo ah Aston Villa xilligaas waxay heeysatay 7 horyaal, 7-FA Cup, seddex League Cup iyo tartanka Champions League oo xilligaas loo yaqaanay European Cup.

Si walba kooxda Manchester United xilligas waxay ku guuleeysatay 7 horyaal , lix koob oo FA Cup, European Cup iyo Cup Winner’s Cup.

Sidaas darteeda Aston Villa ayaa heeysatay 18 koob halka Manchester United ay heeysatay 15 koob.

5- László Kubala Waa Ciyaaryahanka Keliya Ee U Ciyaaray Seddex Wadan Oo Kala Duwan .

Xidigaan waxaa uu ku dhashay Czech balse waxaa uu matalay 3 wadan oo kala duwan, waxaana ay kala yihiin Czechoslovakia, Hungary iyo  Spain.

Ciyaaryahankii hore ee kooxda Real Madrid Alfredo Di Stefano ayaa u ciyaaray Argentine iyo Spain  si lamid ah Colombia , si walba waxaa uu ahaa ciyaaryahan dhamaan u diiwaan gashan wadamadaas.

6- Jimmy Rimmer Waa Ciyaaryahanka Keliya Ee Laba Koox Oo Kala Duwan Oo England Ka Dhisan Kula Guuleeystay European Cup Winners.

Xiddigaan waxaa uu soo maray labada kooxood ee kala  ah Manchester United iyo Aston Villa .. waxaa uu kamid ahaa ciyaartooydii Manchester United ee keydka fadhisay xilligii ay United qaadeysey European Cup Winners 1968.. sidoo kale waxaa uu kamid ahaa ciyaartooydii Aston Villa la qaaday koobkaan 1982.

7-Zalatan Ibrahimovic Waa Ciyaaryahanka Keliya Ee Lix Koox Oo Kala Duwan U Ciyaaray Champions League Hadane Kuma Guuleeysan.

Weeraryahanka kooxda Manchester United Zalatan Ibrahimovic ayaa usoo ciyaaray kooxaha kala ah Ajax, Barcelona , Inter Milan , Juventus , Ac Milan, PSG iyo Manchester United hadane kuma guuleysan Champions League.

3 thoughts on “XAQIIQOOYIN MUHIIM AH: Ferguson Ka Hor Aston Villa Inay Ka Koob Badneeyd Manchester United, Ciyaaryahan Hal Mar Seddexleey Ka Dhaliyey 3 Goolhaaye Oo Kala Duwan …Xiddig Hal Maalin Laba Kulan Ciyaaray & 7 Xaqiiqo Oo Aad Uga Baahan Tahay Kubadda Cagta”

  1. Zalatan lix koox kabadnu laso ciyaray oo waxad Ku darta bsg mida kale zalatan man untid kalama usan so muqan champion lige

    1. Safashada Muhiim ma ahan balse waa inuu u diiwaan gashnaadaa kooxda, waayo Barcelona 2015 markii ay qaadeysey Champions League waxaa kooxda ku sugnaa Varmalen iyo xidig lagu magacaabo Douglos hal kulan xitaa ma ciyaarin hadana waxaa lagu daray guuleystiyaasha.

      Mahadsanid Sxb

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *