Scroll to Top

XASAASI: Bayern Munich , Juventus & Real Madrid & Kooxaha Ay Manchester United Ku Aadikarto Wareeega 16-ka Champions League & Xilliga La Sameeyndoono Isku Aadka ?

Waxaa Qoray Maxamuud Jamuuni / Waxaa La Daabacay Wednesday, 06 Dec 2017 10:54 AM / No Comments

ManchesterUnited ayaa xaley usoo baxday wareega 16-ka ee tartanka Champions League , waxaase jira wal walka ka jira kooxaha ay ku aadikaraan Manchester United.

Macalin Jose Mourinho iyo kooxdiisa ayaa xaley guul kusoo gaba gabeeyeen heerka guruubyada Champions League,waxaana ay wal wal ka dareemayaan booska ay kusoo bexeen iyo xaalada kooxda sababtoo ah , waxay ku aadayaan kooxo waa weeyn.

Haddaba Waxaa Isweydiin Mudan (Manchester United Yey Ku Aadikaraan?

Kooxda Manchester United waxaa marka hore laga ilaalindoonaa kooxaha ay isku booska ahaayeen tusaale Basel , sababtoo ah waxaa ay isku ahaayeen , sidoo kale kuma aadidoonto kooxaha England sida , Manchester City, Chelsea, Tottenham iyo Liverpool.

Manchester United sidoo kale kuma aadidoonto kooxaha kaalinta 1aad ee guruubyada maadaama iyada ay kamid tahay kooxahaas.

Marka Hore Ogow Kooxaha Kaalinta Koowaad Kusoo Baxay Heerka Guruubyada:-

Manchester United.

Paris Saint-Germain.

Roma.

Barcelona.

Liverpool*

Manchester City.

Besiktas.

Tottenham

Kooxaha ay Manchester United ku aadikarta waxaa ay yihiin:-

Real Madrid , Porto, Shakhtar Donetsk, Juventus, Bayern Munich, Sevilla, Real Madrid & Porto.

Goorma Ayaa La Sameeynayaa Isku Aadka Champions League?

Maalinta isniinta ayaa la sameeyndoonaa isku aadka wareega 16 –ka ee Champions League, waxaa lagu qabandoonaa Nyon, Switzerland.

Lugta koowaad ee wareega 16 Champions League ayaa la ciyaaridoonaa 13, 14, 20 and 21 February,  halka lugta 2aad la ciyaaridoonaa 6, 7, 13 & 14 March 2018.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *