Scroll to Top

XOG XASAASI: Lionel Messi AMA Cristiano Ronado: Ciyaaryahan Sanadka Ee Abaalmarinta Ballon d’Or Oo La Ogaaday …Ka Hor Xafladda Habeen Dambe..(NIKE AYAA SIRTA BANAANKA KEENTAY

Waxaa Qoray Maxamuud Jamuuni / Waxaa La Daabacay Wednesday, 06 Dec 2017 20:15 PM / No Comments

Habeen dambe waxaa la bixindoona abaalmarinta Ballon d’Or , waxaana isku diyaarinayaa xiddigo caan ah inay kasoo muuqdaan liiska , balse laba ciyaaryahan ayaa ilaa iyo hadda loo saadaalinayaa abaalmarintaan.

Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi ayaa loo badinayaa inay ku guuleeysandoonaan abaalmarinaan, weliba waxaa loo badinayaa in Cristiano Ronaldo uu ku guuleeysandoono abaalmarintaan.

Ka hor inta aan la gaarin xafladda lagu bixinayo abaalmarintaan ,waxaa la ogaaday xiddiga ku guuleeysandoono abaalmarintaan.

Shirkada NIKE oo soo saarta aqabka Sports-ka, si gaar ah heshiis ugula jirta Cristiano Ronaldo , waxaa ay soo saareen kabo uu Ronaldo ku  ciyaaridoono habeenka Sevilla , waxaana ku qoran inta jeer ee uu Ronaldo ku guuleeystay abaalmarintaan iyo inuu habeen dambe qaadidoono abaalmarintaan.

30 Ciyaaryahan ayaa guud ahaan abaalmarintaan u tartamidoonaan balse waxaa iska cad xiddiga loo badinayo ee ku guuleeysandoono abaalmarintaan.

Cristiano Ronaldo ayaa abaalmarintaan ku guuleeystay sanadaha kala ah 2008, 2013, 2014, 2016 -, waxaase jirta in sanadkaan 2017 inuu ku guuleeysandoono lagu cadeeyey kabaha.

Cristinao Ronaldo hadda waa 32 sano  waxaana uu rajeynayaa in markii  shanaad uu ku guuleeysto abaalmarintaan , waxaana uu markaas bar bareeyndoonaa Lionel Messi.

‘’Waa gooldhaliyeheena uga sareeya taariikhda, maalin kadib ayuu ku guuleeysandoona,’’ ayey sheegeen.

Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyey 2 gool kulan Los Blancos ay la dheeshay Juventus markaas oo ku guuleeysteen 12 Champions League

HALKA HOOSE KA DAAWO SAWIRAD:

 Nike have hinted Cristiano Ronaldo will win his fifth Ballon d'Or with the release of these new boots 'Quinto Triunfo' translates from Portuguese to 'fifth triumph' The Nike Mercurial Superfly V Quinto Triunfo CR7 boots have the years of all of Cristiano Ronaldo's Ballon d'Or wins inscribed inside These are the boots set to be released as this year's Ballon d'Or winner is announced

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *