Puntland Oo U Gurmaneysa Shacabka B/weyne
Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya Magaca Goleyaasha kala duwan ee Maamulka iyo kan Shacabka Puntland wuxuu tacsi u dirayaa ehelada iyo qaraabada dadkii ku geeriyooday waxyeelada ka dhalatay Fatahaadda Webiga Shabeelle, wuxuuna illaahay uga baryay inuu Jannatul Fardowsa geeyo, eheladoodiina Samir iyo iimaan ka siiyo. Puntland, maamul iyo Shacab ahaanba waxay la […]
Mas’uuliyiin ka tirsan G.Hiiraan oo ka badbaaday Doon kula degtay Beledweyne
Magaalada Beledweyne waxaa ay saaka Doon kula degtay Duqa Degmada Beledweyne, Guddoomiyihii hore ee Gobolka iyo 20 qof oo kale. Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan C/Fitaax Xasan Afrax ayaa sheegay in isaga iyo Duqa Degmada Beledweyne Safiyo Xassan Sheekh Cali Jimcaale, iyo dad kale oo 20 ku dhow ay Doon kula qallibantay gudaha Magaalada islamarkaana […]
Shaqooyinkii IGAD oo u istaagay khilaaf u dhaxeeya dalalka xubnaha ka ah
Shaqooyinkii uu qaban jiray Urur Goboleedka IGAD ayaa hakad ku jira dhowr iyo tobankii maalmood ee la soo dhaafay kaddib khilaaf soo kala dhexgalay Madxad IGAD. 10kii Bishan October Ra’isalwasaaraha Itooboya ayaa wasiirkiisii hore ee arrimaha dibadda u magacaabay Xoghayaha fulinta Urur Goboleedka IGAD. Warqadda waxaa ku qoran in shaqada Workneh Gebeyehu ay billaabaneyso 1da […]
Gaadiidka Dadweynaha Oo Maalintii Seddaxaad Ka Shaqeyneyn Muqdisho
Magaalada Muqdisho waxaa maalintii 3aad shaqo joojin ku jira Gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaanno Hoomeyada. Arrintan ayaa ka dhalatay kaddib markii maamulka Gobolka Banaadir iyo wasaaradda Gaadiidka ay ku soo rogeen canshuuro dheeraad ah. Gaadiidleyda ayaa maalmihii la soo dhaafay banaanbax ka dhigayay Magaalada Muqdisho, waxaana ay ka cabanayeen canshuuraha dheeraadka ah ee lagu soo […]
Qarax Ka Dhacay Muqdisho
Inta la xaqiijiyay hal qof oo ka mid ah shaqaalaha dowladda hoose ee Muqdisho ayaa ku geeriyooday qarax Miino oo ka dhacay Waddada Maka Al-Mukarrama. Qaraxan ayaa waxaa uu ka dhacay Isgoyska Taleex waxaana lala beegsaday Gaari kuwa nadaafadda ah oo ay leedahay dowladda hoose ee Muqdisho. Shaqaalaha ayaa aroorta hore waddada ka gura Qashinka […]
Kulankii Aqalka Sare Oo Maanta u Baaqday….
Xubnaha Golaha aqalka sare ee Soomaaliya ayaa lagu waday in ay maanta yeeshaan mid ka mid ah Kulamadooda Golaha ee Caadiga ah. Xildhibaannada oo ay ahayd in kulankoodu uu furmo 9:00Am subaxnimo ayaa waxaa uu gaaray ilaa 12:30 PM Duhurnimo. Guddoomiyaha Golaha aqalka sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi oo ka careysnaa kooran la’aanta uu […]
Booliiska Kenya Oo Weli Cabsho Ka Ah Gaadiid Laga Iibiyey China
Saraakiisha Booliska Dalka Kenya ayaa walaac ka muujiyay Gaadiidka APCs ee ay adeegsadaan Booliska dalkaas. Madaxda Booliska ee cabashada ka muujiyay Gaadiidkan ayaa sheegay in markii hore loogu sheegay in aysan rasaasta iyo qaraxyada karin hayeeshee aysan taas xaqiiqda ahayn. Saraakiil qariyay magacooda ayaa u sheegay Daily Nation in Gaadiidka uusan lahayn qalabka beddelka (Spare […]
Tirada Dadka Ka Barakacay Fatahaadda Wabiga Shabelle Oo Korortay
Hay’adda isku xirka arrimaha Bani’adamnimada u qaabilsan Qaramada Midoobey ee UNOCHA ayaa warbixin ka soo saartay Fatahaadaha Wabiga Shabelle ka sameeyay Gobolka Hiiraan. Warbixinta Hay’adda waxaa lagu sheegay in 140,000 ee qof ay ku barakaceen Gobolka Hiiraan kuwaas oo 70,000 oo ka mid ah ay Carruuryihiin. Waxaa kale oo ay Hay’addu sheegtay in 300,000 oo […]
Ma Dhabbaa In La Dilay Hoggaamiyahii Daacish?
Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in weerar ay ka fulisay Gobolka Xalab ee dalka Syria ay ku dishay hoggaamiyihii Ururka Daacish Abuu Bakar Al Baqdaadi. Saraakiil ka mid ah Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa sheegay in kalsooni buuxda ay ku qabaan in weerarkaas ku dhintay hoggaamiyaha Daacish. Xubno ka mid ah Wasaaradda ayaa aqalka cad u gudbiyay […]
Xildhibaanno Ka Socda Uganda Ah Oo Yimidi Muqdisho
Xubno ka mid ah Baarlamaanka dalka Uganda ayaa waxaa ay soo gaareen Magaalada Muqdisho waxaana ay qiimeyn ku sameynayaan Ciidamadooda ku jira howlgalka AMISOM. Booqashada Xildhibaanada oo lagu sheegay u kuurgelidda xaaladda Ciidamada Uganda ee ku jira AMISOM ayaa waxaa ay qaadaneysaa muddo todobaad ah. Ku xigeenka wakiilka Midowga Afrika ee AMISOM Simon Molungo ayaa […]
Al-shabab oo sheegatay dil ka dhacay Gaalkacyo
Xarakada AL-shabab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dil xalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug. Dilkaas ayaa loo geystay sarkaal ka tirsanaa Ciidamada nabdgelyada waddooyinka ee Maamulka Puntland. Koox hubeysan ayaa waxaa ay Gaalkacyo waqooyigeeda ku dileen Maxamuud Faarax Cawl oo ahaa Taliye ku xigeenka Ciidamada ilaalada Waddooyinka maamulka Puntland. Kooxda dilka geysatay ayaa isaga […]
DFS Oo Ciidamo Dheeraad Ah Geysay Dhuusamareeb
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta dowlad Goboleedka Galmudug ayaa sheegaya in labo horin oo ka mid ah Ciidanka Haramcad laga dejiyay Magaaladaas. Ciidamada Haramcad oo tiradooda lagu sheegay ilaa 100 Askari ayaa waxaa magaalada ka dejiyay laba diyaaradood. Goobjoogayaal ayaa sheegay in Ciidamadaas lagu xoojiyay ciidamo dowladda dhexe ka socda oo ku […]