Mareykanka oo sheegay in AL-shabab maamusho 20% dhulka Soomaaliya
Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in weerarradeeda Soomaaliya ka socda ay hoos u dhigeen AL-shabaab islamarkaana ay soo koobantay dhulka ay hadda ka maamulaan Soomaaliya. Agaasimaha Xiriirka dadweynaha Taliska Mareykanka ee Afrika, Chris Karns , oo wareysi siiyay Idaacadda Codka Mareykanka ee VOA, ayaa sheegay in Al-shabaab ay Soomaaliya maamulayeen 90% ilaa 85% maantana ay ku […]
Wasiir Bayle “Ma Jiro Musuqa Soomaaliya Laga Sheego”
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/Raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in eedaha musuq maasuqa la xiriira ee ka dhanka ah Soomaaliya ay yihiin kuwo aan xaqiiqda ku fadhiyin. C/Raxmaan Bayle ayaa sheegay in warbixinnada Hay’adda Transparency International ee Soomaaliya sanad kasta ka gelisa heerka ugu hooseysa ay yihiin aragti ay naga qabaan ee aysan ahayn wax […]
Kulamo Xasaasi Ah Oo Ka Dhacay Dhuusa-mareeb
Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta gobolka Galguduud waxaa xalay kulan ku yeeshay Labo gudddi farsamo oo iska horjeeda, kuwaa oo sheegay in ay ka shaqeynayaan dhismaha maamul u sameynta Galmmudug. Maalintii shalay waxaa gaaray Dhuusamareeb guddi farsamo oo ay magacaawday dowladda Soomaaliya kuwaa oo loo xilsaaray soo xulista xildhibaannada iyo xalinta khilaafaadka, dhanka kale waxaa horay […]
Hoos u Dhac Ku Yimid Shirkadda DP World
Sharikadda Dekadaha ee Dubai ayaa sheegtay in ay Bangiyada Caalamka ka la’dahay lacagaha deymaha ah ee ay maalgashiga ku sameyso kaddib khilaafkii dowladda Jabuuti dib ugula wareegtay Dekadda Dooraale. Sultan Ahmed bin Sulayem oo ah Guddoomiyaha Sharikadda Dubai Ports ayaa yiri: “wax waan maalgelinaa, laakiin qiimo badan ayey noogu kacdaa,halkaas weye halka uu dhaawac naga […]
Xildhibaankii Uu Dhaawacay Guddoomiyaha Warsheekh Oo Dhintay
Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho waxaa ku geeriyooday Xildhibaan Xasan Cali Xasan oo ka mid ahaa Golaha degaanka Magaalada War-sheekh ee Gobolka Shabeellaha dhexe. Xildhibaanka ayaa waxaa horay u dhaawacay Guddoomiyaha Degmada War-sheekh Xasan Xaaji Maxamed, kaas oo xilligii uu dhaawacayay la barayay sida loo adeegsado Baskooladaha. Dhaawaca Xildhibaanka ayaa markii hore la geeyay Isbitaalka […]
Xoghayaha Urur Goboleedka IGAD Oo La Magacaabay
Ra’isalwasaaraha Dalka Itoobiya Abiye Axmed ayaa magacaabay Xoghayaha guud ee Urur Goboleedka IGAD oo waayadii dambe khilaaf ka taagnaa. Xilka Xoghayaha IGAD ayaa loo magacaabay Workeneh Gebeyehu, oo ahaa Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda dalka Itoobiya. Abiye ayaa warqaddiisa magacaabista ku sheegay Workeneh Gebeyehu, uu noqonayo xoghayaha IGAD islamarkaana uu beddelay Maxbuub Macalin oo u […]
Safiirka Mareykanka ee Kenya oo beeniyay inuu la kulmay MW Farmaajo
Danjiraha Dowladda Kenya ee Mareykanka Kyle McCarter, ayaa sheegay in uusan Magaalada Muqdisho kula kulmin Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Wareysi uu siiyay Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa Dalka Kenya ayaa lagu sheegay in wareysigaas uu safiirku ku sheegay in uu Muqdisho kula kulmay Madaxweynaha Soomaaliya kana dalbaday in Soomaaliya isaga harto […]
Shirka Afrika iyo Ruushka oo maanta ka furmaya Sochi
Magaalada kulaasha Badda Madow ee Sochi ee dalka Ruushka waxaa maanta ka furmaya Shirka Afrika iyo Ruushka oo sanadkiiba mar la qabto. Shirkan ayaa waxaa ka qeybgelaya Hoggaamiyayaasha Qaaradda Afrika,waxaana ka mid ah Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21kii Bishan ka baxay Dalka iyaga oo u dhoofay Dalka Ruushka. […]
Soomaali Laga Musaafurinayo Koonfur Afrika
Dowladda Koofur Afrika ayaa xaqiijisay in ay masaafurineyso in ka badan 11,000 oo qof oo Ajanabi ah kuwaas oo si sharci darro ah ku galay dalkeeda. Ciidamada Booliska Koofur Afrika ayaa howlgallo kala duwan ka sameeyay dalka Koofur Afrika intii u dhaxeysay bilihii April ilaa September ee sanadkan waxaanaay gacanta ku dhigeen 11,455 oo qof […]
Ciidamada Midowga Yurub Oo Badbaadiyey Ciidan DFS Oo Doon Kula Rogmatay Sh/dhexe
Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay badbaadiyeen Doon ay la socdeen Ciidamo ay leedahay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Ciidamada Soomaalida ah ayey Doonta kula qallibantay meel 60km u jirta Magaalada Cadale ee Gobolka Shabeellaha dhexe. Howlgalka Midowga Yurub ee Biyaha Soomaaliya ee loo yaqaano Atlanta ayaa sheegay in codsi uu uga […]
Sheekh Shaakir Oo Magacaabay Guddiga Farsamada Ee Doorashooyinka Galmudug
Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa magacaabay Gudiga farsamada Doorashooyinka iyo xalinta Khilaafaadka Galmudug. Guddigan ayaa ka kooban 11 xubnood oo uu sheegay in ay ku saleysanyihiin heshiiskii horay u dhaxemaray Dowladda Federaalka ah iyo Maamulka Galmudug. Waxaa jira khilaaf u dhaxeeya dowladda Federaalka ah iyo maamulka Galmudug oo la xiriira dhismaha […]
Doorashooyinka Canada Iyo Guulo Lama Filaan Ah
Ra’isalwasaaraha Dalka Canada Justin Trudeau ayaa ku guuleystay doorashadii shalay ka dhacday Dalkaas. Waxaa sidoo kale guuleystay Wasiirka socdaalka dalka Canada oo ah Soomaali,waxaana lagu magacaabaa Axmed Xuseen. Dib u doorashada Ra’isalwasaare Justin Trudeau ayaa ah mid dirqi ah,waxaana uu ku qasbanyahay in uu isbaheysi la sameysto axsaabta kale si uu u gaaro aqlabiyadda lagu […]