Magaca Iyo Qabiilka Ninka Al-shabaab u Qaabilsan Weerarada Xadka Kenya Iyo Somalia Oo La Shaaciyey
Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay aqoonsatay magaca iyo qabiilka Ninka AL-shabaab u qaabilsan weerarrada ka dhanka ah Ciidamadeeda ka howlgala Sohdinta Soomaaliya. Booliska Dalka Kenya ayaa sheegay in Cabdullahi Banati oo ka soo jeeda Qabiilka Gaaljecel uu yahay Ninka AL-shabaab mas’uulka uga ah weerarrada ay Ciidamadooda kala kulmaan Gobolka Soomaalida. Ninkaas ayey sheegeen in […]
20 Al-shabaab Ah Oo Lagu Dilay Jalalaqsi
Maamulka Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay dileen 20 ka mid ah AL-shabaab kaddib markii ay weerar gaadmo ahaa ku qaadeen. Guddoomiyaha Degmada Jalalaqsi Maxamed Nuur Cagajoof, ayaa sheegay in Ciidankooda ay jidka u galeen Gaari Homy ah oo ay wateen Al-shabaab halkaasna ku baabi’iyeen. Cagajoof ayaa sheegay in 18 Qori oo […]
Sidee Shacabka u Arkaan Dib U Dhiska Taalooyinka Taariikhiga Ah?
Madaxweyne Farmaajo ayaa sida ay shaacisay Madaxtooyada Soomaaliya waxa uu daah-furay Taallooyinka Axmed Gurey, Xaawa-taako, Sayid Maxamed iyo Dhagaxtuur kuwaas oo dhammaantood lagu sameeyey dib u hagaajin, haddaba Baraha Bulshada ayaa dadweynuhu uga dooday arrinta taallooyinkaas, ku habboonaanta Waqtigan, Ujeedka dowladdu ka leedahay iyo isgarab-dhig dadweynuhu ku sameeyey arrimaha waaweyn ee muhiimka iyo taallooyinkan. Maxamed […]
Ciidanka Burundi Ee Jooga Somalia Oo Dhaqaale Ka Helay Trump
Ciidamada Burundi ee ku jira Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa noqday qeybta ugu badan ee ka faa’idi doonta lacag farabadan oo uu Donald Trump u qoondeeyay Ciidamada Midowga Afrika ee ka howlgala Soomaaliya. Wargeyska Indian Newsletter, ayaa sheegay in Ciidamada Burundi ay heli doonaan $25Milyan oo doollarka Mareykanka ah. Waxaa sidoo kale lacaga Trump u […]
Puntland: Sarkaal Ka Badbaaday Qarax Gaari Loogu Xiray
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in sarkaal ka tirsanaa Booliska Puntland qarax lagula beegsaday halkaas. C/Qani Xaabuun, ayaa qarax lagu xiray Gaarigiisa waxaa uu ku qarxay Guri uu ka degganaa Magaalada Gaalkacyo. Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Gaariga uu yaallay Guriga taliyaha islamarkaana xilliga uu qarxayay uu […]
Booliiska Gobolka Banaadir Oo La Isku Shaandheeyey
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Xijaar ayaa isku shaadheyn ku sameeyay qaar kamid Taliyeyaasha iyo Saraakiisha Ciidanka Booliska,isagoo kuwo kalena xilkii ka qaaday. Taliyaha Booliska ayaa Magacaabay Taliyaha qeybta Booliska Waliyow Cadde,Taliyaha Saldhiga Degmada dharkeenley iyo Taliyaha Ciidanka Birmadka ee Booliska iyo taliyeyaal kale. Sidoo kale Taliyeyaasha la magacaabay ayaa waxaa la faray inay […]
Maraakiib laga leeyahay Iraan, Pakistan iyo Hindiya oo xaaluf ka wada biyaha Somaliya
Maraakiib Kalluumeysi oo laga leeyahay dalalka Iraan, Pakistan, iyo Hindiya ayaa waxaa ay kalluumeysi sharci darro ah ka wadaan biyaha Soomaaliya. Maraakiibtaas ayaa waxaa lagu eedeeyay in ay xaaluf ku hayaan nooc ka mid ah noolaha Badda Soomaaliya oo ay mamnuuc tahay in la qaato kuwaas oo ay Maraakiibtaas qaataan. Wasiirka Kalluumeysiga Maamulka Puntland Faarax […]
Shir Looga Hadlayo Xaaladda Soomaaliya Oo Lagu Qabanayo Kuwait
Dowladda Kuwait ayaa waxaa ay marti gelineysaa sanadka soo socda shir Caalami ah oo lagu taageerayo waxbarashada Soomaaliya. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda arrimaha dibadda dalka Kuwait Khaled Al-Jarallah, ayaa shir guddoomiyay kulanka ay dowladda Kuwait isugu diyaarineyso marti gelinta sharciga caalamiga ah. Khaled Al-Jarallah, ayaa la kulmay diblomaasiyiin u dhashay dalkiisa, saraakiil ka socotay wasaaradda […]
Ku dhawaad 20 qof oo lagu dilay Gobolka Cafarta Itoobiya
Ugu yaraan 17 qof ayaa lagu dilay halka 34 kale lagu dhaawacay kaddib markii Ciidamo wata Dharka Ciidanka Difaaca Jabuuti iyo Booliska Ismaamulka Soomaalida ay weerareen dad Cafar ah oo ku sugnaa degaanka Afambo ee Gobolka Cafarta. Dadka dhintay waxaa ka mid ah Haween,Caruur iyo Dad da’ ah,waxaana dadka degaanka ay sheegeen in Ciidamada isku […]
Xildhibaannada Hirshabelle Oo Lagu Kari La’ Yahay Tagista Jowhar
Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cismaan Barre Maxamed ayaa Xildhibaannada xubnaha ka ah dowlad Goboleedkaas ugu baaqay in ay si deg deg ah ugu laabtaan Magaalada Jowhar. Guddoomiye Cismaan Barre ayaa sheegay in dib loo amba qaadayo howlaha Baarlamaanka dowlad Goboleedka Hirshabeelle sidaas darteedna ay tahay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ku tagaan Magaalada […]
Axmed Madoobe Oo Wadahadal Ugu Baaqay DFS
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa waxaa uu munaasibad sagootin ah u qabtay martidii uu ku casuumay xafladdii caleemasaarkiisa ee ka dhacday magaalada Kismaayo. Axmed oo khudbad uu halkaas ka jeediyay kaga hadlay dhinacyo kala duwan ayaa xoogga ku saaray khilaafka dowladda dhexe iyo dowlad Goboleedyada, dagaalka AL-shabaab iyo sida looga gudbi karo […]
Mareykanka oo Ciidan cusub u soo diraya Soomaaliya
Dowladda Mareykanka ayaa diyaarisay ciidan cusub oo ka socda dalkaas loona soo dirayo Soomaaliya si ay qeyb uga noqdaan dagaalka ka dhanka ah AL-shabaab. Ciidanka Mareykanka ee ku soo wajahan Soomaaliya ayaa laga soo sagootiyay Saldhigga Gobolka Oregon ee dalka Mareykanka. Waxaa ay Ciidamadan tiradooda gaareysaa ilaa 450 Askari oo ka mid noqonaya Ciidamada Mareykanka […]