Dowladda oo xariyaad ku rogtay diyaaradaha ka imanaya Kenya
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xayiraad cusub ku soo rogtay diyaaradaha Caalamiga ah iyo kuwa gudaha ee ka imanaya Kenya kuna jeeda Muqdisho. Warqad ogeysiis ah ayaa lagu sheegay in dhamaan diyaaradaha caalamiga ah iyo kuwa gudaha ah ee ka imanaya guud ahaan Dalka kenya la mamnuucay in ay toos u tagaan Kismaayo,waxaana qasab […]
Hanti dhowrka Guud “Annagu Ma Sheegin Lacag La Lunsaday”
Maxamed Cali Afgooye oo ah Hanti dhowraha guud ee Dalka ayaa shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Muqdisho waxaa uu faah faahin kaga bixiyay warbixin sanadeedkii 2018 ee uu dhawaan shaaciyay. Hantidhowraha waxaa uu sheegay in warbixinta uu xafiiskiisu siidaayay aysan marna ku jirin lacag la lunsaday hayeeshee dad dano gaar ah ka leh […]
Dani Oo Si Weyn Loogu Soo Dhoweeyay Kismaayo
Waxaa goor dhow gaaray Magaaladda Kismaayo ee Xarunta ku meel gaar ah ee Jubbaland Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo kaas oo saaka ka amba baxay Caasimada Puntland ee Garowe. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni waxaa Garoonka Kismaayo ee Sayid Cabdulle Xasan ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Jubbaland ee Dib loo doortay […]
Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay Taliyayaal Ciidan
Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa waxaa uu magacaabay labo Taliye Ciidan. Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa uu ku magacaabay Taliyayaasha kala ah; 1- S/Guuto Mahamed Cali Bariise Taliye kuxigeenka CXDS 2- S/Guuto Cabdihamid Maxamed Dirir Taliyaha Ciidanka Dhulka/Lugta. Taliyaha Ciidanka Lugta waxaa dhawaan laga qaadat Taliyaha […]
Wasiir Cawad: “Deni wuxuu noo ballanqaaday yareynta khilaafaadka”
Wasiirka arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa ka warbixiyay safar iyaga oo koox Wasiirro ah ay ku tageen Magaalada Boosaaso islamarkaana kula kulmeen Madaxweyne Deni. Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in ay halkaas u tageen sidii la isugu soo dhaweyn lahaa dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Maamulka Puntland. Wasiir Cawad ayaa sheegay […]
Taliyaha Booliska Jalalaqsi oo ka horyimid xilka qaadis ka dhalatay dagaalkii ciidanka Jabuuti
Taliyaha Ciidanka Booliska Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa ka horyimid xilka qaadis uu ku sameeyay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan. Taliye Muuse Salaad ayaa sababta xilka looga qaaday la xiriirtaa dagaal dhawaan Ciidamada Jabuuti iyo isaga ku dhexmaray degmadaas. Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo tagay Magaalada Jalalaqsi ayaa shaqo joojin ku sameeyay Taliyaha Booliska Jalalaqsi Muuse Salaad […]
Taliyaha Ciidanka Haramcad oo ka badbaaday iskuday dil
Ugu yaraan Afar Askari ayaa dhimatay halka saddex kale ay ku dhaawacmeen kaddib markii Qarax Miino uu la kacay Gaari ay la socdeen. Qaraxa ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Koontaroolka Siinka Dheer iyo Isbitaalka Al-Berri halkaas oo khasaare dhimasho iyo dhaawac ahba uu ka dhashay. Kolonyada Ciidanka Haramcad ee weerarka la kulmay waxaa la […]
Kenya oo jawaab ka bixisay dacwadda ay Soomaaliya u gudbisay ICAO
Dowladda Kenya ayaa jawaab rasmi ah ka bixisay dacwadda ay dowladda Federaalka ah ee Soomaliya u gudbisay hay’adda maamlka Hawada u qaabilsan Qaramada Midoobey ee ICAO. Sarkaal ka tirsan Dowladda Kenya oo la hadlay Wargeyska Daily Nation ayaa iska fogeeyay arrintaas waxaana uu sheegay in Soomaaliya ay Kenya ku eedeyneyso shaqadii ay iyada ahayd in […]
Xaaf oo soo dhaweeyay Guddiga farsamada dhismaha Galmudug
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa soo dhaweeyay Guddiga farsamada dhismaha dowlad Goboleedka Galmudug. Guddigan oo ay shaacisay Wasaaradda arrimaha gudaha Federaalka iyo dib u heshiisiinta Maamulka Galmudug ayaa waxaa uu ka koobanyahay 13 xubnood oo matalaya beelaha Galmudug. Wareegto ka soo baxday Xafiiska Xaaf ayaa lagu soo dhaweeyay Magacaabista
Wasaaradda arrimaha gudaha oo magacowday Guddiga farsamada dhismaha Galmudug
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa magacowday Guddiga farsamada ee dhismaha Dowlad Goboleedka Galmudug. War ka soo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha Federaalka iyo dib u heshiisiinta dowaldda Federaalka ah ayaa lagu sheegay in ay dhistay Guddiga farsamada maamul dhisidda Galmudug. Waxaa sidoo kale dowladdu sheegtay in xarunta dhismaha Dowlad Goboleedka Galmudug noqoneyso caasimadda maamulka ee […]
Madaxweyne Farmaajo oo maanta furaya kalfadhiga 6aad ee labada aqal
Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa lagu wada in uu maanta furo kalfadiga lixaad ee Golaha shacabka iyo aqalka sare. Sida Dastuurka qabo kalfadhiyada Baarlamaanka waxaa fura Madaxweynaha oo halkaas ka jeediya khudbad uu kala hadlayo xaaladihii ugu dambeeyay dalka. Kalfadhiga lixaad ee maanta ka furmaya Xarunta Booliska ee Jeneraal Kaahiye […]
Midowga Afrika oo bixiyay Mushaarka 6 bilood ee Ciidanka AMISOM ee Somaliya
Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in Midowga Afrika uu bixiyay mushaarka Ciidamada dalka Uganda ee ka tirsan AMISOM. Mushaarka oo lixdii bilood ee u dhaxeeyay January ilaa June 2019 ah ayaa waxaa lagu wareejiyay dowladda Uganda sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Ciidanka Uganda. Richard Karimire oo ah Afhayeenka Ciidamada Uganda ayaa sheegay in dowladda […]