Newsletter subscribe
Arrimaha Siyaasada

Maraykanka Oo Sanadkan Soomaaliya Ku Bixyey $498 Milyan

Posted: October 3, 2019 at 7:34 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in lacag ku dhow $500Milyan oo doollar ay ku bixisay Soomaaliya sanadkan 2019ka oo kali ah. Hay’adda Mareykanka u qaabilsan Kaalmada ee USAID ayaa waxaa ay sheegtay in guud ahaa sanadkan ay Soomaaliya ku bixisay taageero dhaqaale oo gaaraya $498Milyan . Waxaa ay shalay ku dhawaaqday $257 Milyan oo doollarka Mareykanka […]

No Comments read more

Taliye ka tirsanaa Ciidanka DANAB oo qarax lagu dilay

Posted: October 3, 2019 at 7:32 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Saraakiisha Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in askar shalay ku dhimatay qarax ka dhacay inta u dhaxeysa Ceelasha iyo Afgooye uu ka mid ahaa Taliyihii 3aad Ciidanka DANAB oo uu tababaray Mareykanka. Maxamed Cali  Cismaan oo ku magac dheeraa (Maxamed Yare) ayaa la xaqiijiyay in uu ka mid ahaa Ciidamo gaarayay lix askari oo shalay […]

No Comments read more

Wasiir Abgaal “qofkii ka bixi waaya Guryaha danta guud ee Garowe waa la dilayaa”

Posted: October 3, 2019 at 7:30 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Maamulka Puntland ayaa dil ugu hanjabay dadka deggan Guryaha danta guud ee ku yaalla Magaalada Garowe. Xasan Shire Cabdi (Abgaal) ayaa sheegay in la tooganayo qofkii isku dhejiya guryaha danta guud ee ay dad gaar ah ku daneynsanayaan. Wasiir Abgaal waxaa uu sheegay in dhowr jeer maamulka digniin u diray dadka heysta guryaha dowladda hayeeshee […]

No Comments read more

Autsralia oo safiir cusub u soo magacowday Soomaaliya

Posted: October 3, 2019 at 7:29 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Dowladda Australia ayaa safiir cusub u soo magacaabatay Soomaaliya waxaana warqadaha aqoonsiga ka guddoomay C/Qaadir Axmed Kheyr Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, ayaa shalay oo Talaado ahayd (1 Oktoobar) kaga guddoomay Muqdisho nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo ee Marwo Alison Chartres, Safiirka Australia ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. […]

No Comments read more

Kheyre oo Wafdi kasocda Kenya la qaatay Kulan qarsoodi ah!

Posted: October 2, 2019 at 9:32 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Sida uu Boggiisa Twitter-ka kusheegay Ababu Namwamba Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibada Kenya kulanka dhexmaray Wafdiga Kenya iyo Raisalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre waxa uu kusaabsanaa arrimo u dan ah labada waddan Soomaaliya iyo Kenya. Kulanka oo loo badinayo in uu kadhacay meel kabaxsan xafiiska Raisalwasaare Kheyre ayaa  sida uu shaaciyey Ababu Namwamba waxa kaqaybagalay Danjiraha […]

No Comments read more

Maxkamadda Ciidanka oo dil ku xukuntay Askari dil u geystay Askari kale

Posted: October 2, 2019 at 9:29 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Cumar Cabduqaadir Sheikh Nuur Xuseen ayaa loo heystaa dillka Allaha Unaxariiste Ex. Dalbe Boliis Jamaal  Abuukar Jiinow oo uu ku dilay degmada Waabari 22-kii March ee Sanadkan kadib markii uu ka hor istaagay dhac uu u geysanayay mid kamid ah rayidka ku dhaqan degmada Waabari. Baaritaanka Dable Xoogga Dalka Cumar Cabduqaadir Sheikh Nuur Xuseen ayaa […]

No Comments read more

Beelo Soomaaliyeed Oo Isku Laayey Mandhera

Posted: October 2, 2019 at 9:27 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Ugu yaraan 7 Qof oo Soomaali ah ayaa ku geeriyootay degaanka Banisa oo ka tirsan Magaalada Mandheera. Weerarkan ayaa waxaa geystay malleeshiyo Beeleed ka dhashay Qabiilka Dagoodiyaha waxaana ay u geysteen weerarka   Qabiilka Garraha. Malleeshiyada hubeysan ayaa weerar ku qaaday dadkaasi iyaga oo xilli waabari ah weeraray,waxaana halkaas sidoo kale ku dhaawacmay tiro dad ah […]

No Comments read more

Deni: “waan ka xumay in shirka intaas la eg ee Xamar ka furmay aan baraha Bulshada ku aragno”

Posted: October 2, 2019 at 9:24 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa waxaa uu sheegay in dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay ku bahdishay shirka Muqdisho. Siciid Cabdullahi Deni ayaa sheegay in shirkaas aan laga talo gelinin sidoo kalena shirkaas Ajendahiisa ku arkeen kaliya Baraha Bulshada. Deni ayaa intaas ku daray in Puntland shirkaas laga siiyay shan daqiiqo khudbad […]

No Comments read more

Xildhibaano Kenyaan ah oo lagu eedeeyay in ay heystaan dhalashada Soomaaliya

Posted: October 2, 2019 at 9:19 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Hay’adda u dhaq dhaqaaqda anshaxa iyo ka hortagga Musuqa oo ka jirta  Dalka Kenya ayaa waxaa ay dacwad ku soo oogtay 10 Xildhibaan oo ka mid ah Baarlamaanka Dalka Kenya. Tobanka XIldhibaan ayaa lagu eedeeyay in ay kala heystaan dhalashada Soomaaliya, Itoobiya, UK, Mareykanka, Gariigga iyo kuwo kale. Afar ka mid ah Xildhibaannadaas waxaa ay […]

No Comments read more

Booliska Kenya oo soo bandhigay Hub iyo rag ay sheegeen in ay yihiin Al-shabaab

Posted: October 2, 2019 at 9:11 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Booliska Dalka Kenya ayaa sheegay in saddex ka mid ah dhaq dhaqaaqa Al-shabaab ku dileen howlgal ka dhacay Mombsa gacantana ku dhigeen 7 qof iyo Saanad ciidan. Howlgalka oo talaadadii shalay at ka fuliyeen Magaalada Xeebta ku taalla ee Likoni ayaa waxaa ay ku sheegeen in ay ku galeen Guri ay ku sugnaayeen xubnahaas. Saraakiisha […]

No Comments read more

Jubbaland Iyo Puntland Oo Qaadacay Shirka SPF

Posted: October 1, 2019 at 7:23 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Waxaa magaalada Muqdisho ka furmaya shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya oo ay ka qeybgalayaan 50 dowladood iyo qaar ka mid ah dowlad goboleedyada dalka ka jira. Wararka ay heshay Maandeeq News ayaa sheegaya in shirkan aanay ka qeybgali doonin dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland. DFS ayaa warqad casumaad ah u dirtay madaxweynaha Puntland Saciid C/laahi Dani, […]

No Comments read more

Kenya oo xirtay Nin ay sheegtay inuu fududeeyay weerarkii Dusit D2 ee Nairobi

Posted: October 1, 2019 at 7:09 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Dowladda Kenya ayaa waxaa ay sheegtay in hay’adaheeda amaanka ay Magaalada Mombasa ka qabteen Nin lagu heysto in uu fududeeyay weerarkii DusitD2 ee Magaalada Nairobi. Ninkan oo lagu magacaabo Fawaz Ahmed Hamdun oo 28 jir ah ayaa waxaa laga qabtay gurigiisa oo ku yaalla degaanka Majengo ee ka tirsan Mombasa Axaddii todobaadkan. Fawaz ayaa waxaa […]

No Comments read more