Suuriya oo dalbatay in ciidamada Turkiga & Mareykanku ka baxaan Dhulkeeda
Xukuumadda Suuriya ayaa dalbatay in ciidamada Turkiga & Mareykanku kabaxaan ciidda Suuriya iyada oo ku hanjabtay in haddii aysan u hoggaansamin dalabkaas ay qaadeyso tallaabooyin lid ku ah joogitaanka ciidamadaas ee dhulka Suuriya. Hadal uu Wasiirka Arrimaha dibadda & Qurbejoogta Suuriya Waliid Macalin ka jeediyey Kulanka QM ayuu ku sheegay in joogitaanka ciidanka Turkiga & […]
Sucuudiga oo diidday Danjiraha Soomaaliya u magacowday Riyad
Dowladda Sucuudiga ayaa iska diiday in ay warqadaha Safiirnimo ka guddoonto C/xakiin Xasan Ibraahim Ashkir; oo loo magacaabay Safiirka dowladda Soomaaliya ee boqortooyada Sucuudiga, kaasoo wali aan shaqa gelin. Inkastoo Sucuudigu aaney si rasmi u shaacin diidmadiisa, hadana waxaa laga dheehan karaa inuu u cuntami waayay shaqsiga Safaarada loo magacaabay Sida Sharciga Geneva ee Diblomaasiyadu […]
“Gobolladii nagu taageeray Qaaraan Qaran waan booqan doonaa”
Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sheegay in uu booqasho ku tagayo dalka Mareykanka gaar ahaanna Gobollo muhiim u ah. Madaxweynaha oo la hadlayay jaaliyaddii ka qeybgashay furitaanka safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka ayaa sheegay in hadda uu dib ugu soo laabanayo dalka hayeeshee uu sida ugu dhaqsiyaha badan ugu laabanayo dalka […]
Madaxweyne Farmaajo oo xarigga ka jaray Safaaradda Soomaaliya ee Washington
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliyaan Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Maaliyadda iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka hawlgala dalka Maraykanka ayaa xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Safaaradda dalkeenna ee Washington. Madaxweynaha ayaa sheegay in hirgelinta dhismahan oo noqonaya dhismihii Safaaradeed oo ugu horreeyey ee Dowladda Soomaaliyeed ay ku yeelato dalka Maraykanka […]
Mareykanka oo cunaqabeyn ku soo rogay Shaqsiyaad Soomaali ah
Wasaaradda Maaliyadda Dalka Mareykanka ayaa waxaa ay cunaqabateyn saartay Shaqsiyaad Soomaali Kenyaan ah oo lala xiriiriyay in ay xiriir la leeyihiin Argagixisada. Shaqsiyaadkan oo isugu jira Ganacsato iyo Culimo ayaa waxaa ka mid ah Sheikh Hassaan Hussein Adam (Hussein), Sheikh Hassaan (Omar), Mr Hassan Mahad (Omar) iyo Mr Hassan Mahad. Waxaa kale oo Wasaaradda Maaliyadda […]
Shacab Lagu Laayay Gobolka Hiiraan
Wararka ka imaanaya degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in maleeshiyaad hubeysani ay dad shacab ah ku laayeen duleedka degmadaasi. Maleeshiyaadkan ayaa la sheegayaa iney rasaas ku fureen dad badan oo ku sugnaa ceel-biyood dhowaan halkaasi laga dhisay. Ugu yaraan Shan qof ayaa halkaasi ku dhimatay, iyadoo dhaawucuna intaa ka badan yahay, sidey […]
Ciidamada Jubbaland Iyo Kuwa Al-shabaab Oo Dagaallamay
Dagaal ayaa ciidanka Jubbaland iyo kuwa Al-shabaab wuxuu xalay ku dhexmaray deegaanka Cabadalla Biroole oo duleedka magaalada Kismaayo ee Jubbada Hoose ah. Al-shabaab ayaa weerar kusoo qaaday fariisin ay ciidanka Jubbaland ku lahaayeen deegaankaasi, waxaana ka dhashay dagaalkan khasaare kala duwan. Afar qof ayaa la xaqiijiyey in dagaalkan ku dhinteen, iyadoo dhaawucuna intaasi ka badan […]
Madaxweyne Farmaajo Oo Khudbad Ka Jeediyey Fadhi Gaar Ah Oo Looga Hadlay Xaaladda Dalka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey fadhi gaar ah oo ku saabsan arrimaha Soomaaliya ayaa soo bandhigay dadaallada Dowladda ee kobcinta dhaqaalaha, dib u habaynta laamaha ammaanka, guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada, dib u eegsita dastuurka iyo hirgelinta doorashooyinka. Madaxweynaha ayaa ka warbixiyey tallaabooyinka ay qaadday […]
Kenya Oo War Kasoo Saartay Kulankii Farmaajo Iyo Uhuru
Madaxtooyada Dalka Kenya ayaa daabacday war ay ka diyaariyeen kulan Magaalada New York ku dhexmaray Madaxweynayaasha Kenya iyo Soomaaliya. Warka ka soo baxay Madaxtooyada Dalka Kenya ayaa lagu sheegay in inta uu socdo shirka Golaha guud ee Qaramada Midoobey ay kulan doceed yeesheen madaxweynayaasha Soomaaliya,Kenya, Jabuuti iyo Masar. Kulankaas ayaa madaxda waxaa ay iskula soo […]
UK Oo Muwaadiniinta Uga Digtay u Safarka Soomaaliya
Dowladda Ingiriiska ayaa soo saartay digniin dhinaca amaanka ah oo ay u dirtay dadkeeda daneynaya in ay u safraan Soomaaliya. Xafiiska arrimaha dibadda UK ayaa sheegay in Soomaaliya ay wali qatartahay islamarkaana afduubka iyo qaraxyada ay suuragal ka tahay gudaha Soomaaliya. Muwaaddiniinta UK ee aan muhiimka u ahayn safarka Soomaaliya ayaa la sheegay isaga baxaan […]
DFS Iyo Qatar Oo Xoojinaya Xiriirkooda
Wasiirrada Shaqaalaha dalalka Qadar iyo Soomaaliya ayaa ku kulmay Magaalada Dooxa ee Caasimadda dalka Qadar. Kulanka ayaa looga wadahadlay xiriirka labada dal gaar ahaanna dhinasha shaqaalaha iyo arrimaha Bulshada labada dal. Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Dalka Qadar Yousef bin Mohamed al-Othman Fakhroo ayaa Magaalada Dooxa ku qaabilay wafdiga Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Soomaaliya […]
Imaaraadka oo lagu wareejiyay Garoonka diyaaradaha Boosaaso
Dowlad Goboleedka Puntland ayaa xaqiijisay in dowladda Imaaraadka Carabta gaar ahaan Sharikadda DPWorld dhiseyso Garoonka diyaaradaha ee magaaladaas. Wafdi ka socda dowladda Imaaraadka Carabta ayaa shalay tagay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari. Wafdigaas Imaaraadka ka socday iyo Saraakiil wasiirro u badan oo ka tirsan Puntland ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen Boosaaso waxaa […]