Newsletter subscribe
Arrimaha Siyaasada

Farmaajo Iyo Uhuru Oo Kulmay

Posted: September 25, 2019 at 7:40 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Wadahadallo saddex geesood ah oo ay magaalada New York ku yeesheen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta iyo Madaxweynaha Masar Mudane Cabdulfataax Al Sisi ayaa kusoo idlaaday is faham. Kulankan oo uu soo qabanqaabiyay Guddoomiyaha Midowga Afrika, ahna Madaxweynaha Masar Mudane Cabdulfataax Al Sisi ayaa la isku raacay […]

No Comments read more

Farmaajo iyo Erdogan oo ku kulmay Newyork

Posted: September 25, 2019 at 7:37 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Madaxweyaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa waxaa uu Dalka Mareykanka kula kulmay dhiggiisa Turkiga Rajab Dayib Erdogan. Labada Madaxweyne ayaa ka wadahadlay xiriirka labada dal iyo sidii loo sii hor marin lahaa,waxaana kulankooda uu bar bar socday Shirka guud ee Qaramada Midoobey. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in kulankaasi ujeedadiisu ahayd xoojinta […]

No Comments read more

Faarax Macalin: Gobollada Muslimiinta Ee Kenya Ha Mamnuucaan Khaatka

Posted: September 24, 2019 at 9:49 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Hoggaamiyihii hore ee Aqlabiyadda Baarlamaanka Dalka Kenya Faarax Macalin Dawaara ayaa waxaa uu ku baaqay in dadka Kenyaanka ah iska joojiyaan Qaadka ka soo baxa Gobollada kale ee dalka Kenya. Faarax ayaa waxaa uu Baarlamaannada Gobollada kala ah; Garissa, Wajir, Mandera, Isiolo, Marsabit, Lamu, Tana River iyo Mombasa ugu baaqay in ay meel ariyaan xeer […]

No Comments read more

Finland Oo Ku Dhowaad Boqol Milyan Ugu Deeqday Somalia

Posted: September 24, 2019 at 9:47 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Dowladda Finland ayaa lacag gaareysa $8.9 Milyan oo doollarka Mareykanka ah ugu deeqday Soomaaliya. Wasiirka arrimaha dibadda dalka Finland Erik Lundberg, ayaa sheegay in lacagtaas ugu talagaleen dib u dhiska hay’adaha iyo xeerarka dowliga ah ee Soomaaliya. Erik Lundberg, ayaa intaas raaciyay in lacagtaas uu maamulayo Bangiga Adduunka, Dowladda Soomaaliyana u mariyeen Bangiga. Wasiirka ayaa […]

No Comments read more

Sirdoonka Puntland Oo Loo Magacaabay Taliye Cusub

Posted: September 24, 2019 at 9:45 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa magacaabay madaxa sirdoonka Maamulkaas. Mukhtaar Maxamed Xasan, ayaa loo magacabaay Taliyaha cusub ee Hay’adda Nabad Sugidda Maamulka Puntland. Ninka la magacaabay oo ku magac dheer Mukhtaar Jeyte waxaa uu hadda hayay xilka Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Maamulka Puntland. Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland C/Wali Maxamed Cali […]

No Comments read more

Kenya Oo Kordhineysa Khatka Ay Keento Somalia

Posted: September 24, 2019 at 9:25 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Hay’adda Cuntada iyo Beeraha Dalka Kenya ee AFA ayaa waxaa ay sheegtay in ay dooneyso in la kordhiyo suuqyada Qaadka dalka Kenya islamarkaana la gaarsiiyo meelo hor leh. Guddi ka socda Hay’addaas ayaa maanta oo Talaado ah la kulmi doona Guddiga Beeraleyda Qaadka dhoofsata waxaana ay kala hadlayaan sidii looga caawin lahaa suuqyo cusub iyo […]

No Comments read more

Madaxweynayaasha Somalia, Eritrea Iyo Itoobiya Oo Bilad La Guddoonsiiyay

Posted: September 24, 2019 at 9:14 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, Ra’isalwasaaraha Dalka Itoobiya Abiye Axmed iyo Madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afwerki, ayaa waxaa la guddoonsiiyay billado hoggaan wanaag ah. Saddexda mas’uul ayaa ka qeybgalay shirka Concodia Summit oo ka dhacay maagaalada Newyork ee dalka Mareykanka. Saddexda hoggaamiye ee geeska Afrika ayaa abaalgudkan ku muteystay dib u […]

No Comments read more

Daawo: Xasan Sheekh Oo Si Kulul Ula Hadlay DFS

Posted: September 23, 2019 at 6:02 pm   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Madaxweynihii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa si kulul u cambaareeyey falkii shalay Kismaayo loogu diiday Sheekh Shariif. Xasan Sheekh ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay arrintaasi, isaga oo eedeeyey DFS. Dalka ayuu sheegay in dowladdan ay meel halis ah ku waddo, islamarkaana haddii aan laga […]

No Comments read more

Sheekh Shariif: annaga dalkaan waxbaa naga galay mana ogolin inuu burburo!

Posted: September 23, 2019 at 5:52 pm   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Madaxweynihii hore Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa eedeyn u jeediyay Xukumada Faderaalka Soomaaliya uu sheegay in ay ku fashilantay Waxyaabihii loo igmaday sida uu sheegay. Waxa uu sheegay in laga hor istaagay Safar uu ugu socday Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose si uu ugu qayb galo […]

No Comments read more

Xisbiga Himilo Qaran oo ka hadlay xayiraaddii la saaray Sheekh Shariif

Posted: September 23, 2019 at 7:51 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

isbiga uu hoggaamiyo Sheekh Shariif ee Himilo Qaran ayaa waxaa uu war-saxaafadeed ka soo saaray xayiraaddii shalay lagu sameeyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya. War-saxaafadeedka Xisbiga Himilo Qaran ayaa cambaareeyay go’aanka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ku hor istaagtay Sheekh Shariif. Hisbiga ayaa war-saxaafadeedkiisa u dhignaa.

No Comments read more

Soomaaliya oo ka qeyb qaadatay dhoolatus uu Sucuudiga ka wado Badda Cas

Posted: September 23, 2019 at 7:48 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Dowladda Sucuudiga ayaa dhoolatus Ciidan waxaa ay ka billowday Badda Cas waxaana ka qeyb aha dalal badan oo ku teedsan baddaas. Waddamada ka qeyb qaatay waxaa ka mid ah Jordan, Egypt, Sudan, Djibouti, Yemen iyo Somalia. Dhoolatuskan waxaa ka qeyb qaadanaya Waddamada ku yaalla Gobolka islamarkaana xulufada dhow la ah dalka Mareykanka. Sucuudiga ayaa waxaa […]

No Comments read more

Daacish oo soo bandhigtay Ciidan ay ku tababartay Soomaaliya

Posted: September 23, 2019 at 7:43 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Kooxda Daacish faraceeda ka dagaallama Soomaaliya ayaa baahiyay sawirrada dagaalyahanno ka tirsan oo ku tababaranaya Buuraleyda Gobolka Bari ee Soomaaliya. Daacish ayaa sheegtay in xerada lagu tababarayay ciidankaas lagu magacaabo Daa’uud Al Soomaali oo ahaa tababare ka tirsanaa laguna dilay gudaha Soomaaliya. Kooxda Daacish ayaa sawirro iyo muuqaalka tababarkaas oo ay baahisay ku sheegtay in […]

No Comments read more