Newsletter subscribe
Arrimaha Siyaasada

Maxkamadda Ciidanka oo xukun ku ridday rag loo heysto qarax sanadkii hore ka dhacay Wadajir

Posted: September 12, 2019 at 9:04 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun dil iyo xabsi daa’in isugu jira ku ridday rag loo heysto weerarkii November 2018kii ka dhacay Isgoyska Kaawo Godeey ee Degmada Wadajir. Raggan oo Maxkamadda ay kiiskooda dhegeysatay 5tii Bishan ayaa waxaa maanta lagu xukumay dil, halka mid ka mid ah lagu xukumay xabsi daa’in kan […]

No Comments read more

Waa imisa Askarta AMISOM looga dilay Somaliya tan iyo 2007dii?

Posted: September 12, 2019 at 8:59 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Bare sare Paul Williams oo wax ka dhiga Jaamacad ku taalla Mareykanka ayaa warbixin ka diyaariyay khasaaraha Ciidamada AMISOM ka soo gaaray Soomaaliya tan iyo markii uu howlgalka billowday. Warbixinta Paul Williams, waxaa uu ku sheegay in meelo badan oo uu wax ka qiimeeyay, ilo ilaa shan gaaraya oo uu xigasho ka sameeyay iyo dukumiintiyada […]

No Comments read more

Dad ku dhintay qarax ka dhacay Diinsoor

Posted: September 12, 2019 at 8:57 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Ugu yaraan shan qof oo ay ka midyihiin dad rayid ah ayaa ku dhintay markii qarax ka dhacay degmada Diinsoor ee Gobolka Baay. Qaraxa ayaa la sheegayaa in lala beegsaday Guddoomiyaha degmada Diinsoor Ibraahim Shigshigoow kaas oo la xaqiijiyay in uu ka badbaaday. Weerarkaas qaraxa ah ayaa waxaa ku dhintay labo qof oo rayid ah […]

No Comments read more

Cumar Finish oo magacaabay Guddiga dib u furidda waddooyinka Muqdisho

Posted: September 12, 2019 at 8:54 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamed Maxmuud Finish ayaa waxaa uu magacaabay Guddi loo xil saaray dib u furidda Waddooyinka  xiran ee Magaalada Muqdisho. Guddiga dib u furidda Waddooyinka Muqdisho ee uu magacaabay Cumar Finish ayaa waxaa uu ka koobanyahay 7 xubnood waxaana Guddoomiye ka ah ku xigeenka amniga iyo siyaasadda Gobolka. […]

No Comments read more

Al-shabaab oo Ergooyin ku soo bandhigay Xarradheere

Posted: September 11, 2019 at 7:00 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Dhaq Dhaqaaqa Al-shabaab ayaa Degmada Xarradheere ee Gobolka Mudug waxaa ay ku soo bandhigeen qaar ka mid ah Ergooyinkii wax ka soo xulay Baarlamaanka Soomaaliya. Al-shabaab ayaa sheegtay in 90 ka mid ah Ergooyinkii soo xulay Xildhibaannada Soomaaliya lagu soo bandhigay Magaaladaas. Waxaa ay ka mid noqonayaan Boqolaal Ergooyin ah oo ku sugan degaannada ay […]

No Comments read more

Askar Kenyaan ah oo ku dhintay weerar ka dhacay duleedka Mandheera

Posted: September 11, 2019 at 7:00 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Askar ka mid ah Ciidanka Difaaca Kenya ayaa ku dhintay weerar ka dhacay degaanka lagu magacaabo CeelRaam ee duleedka Mandheera. Dhaq dhaqaaqa Al-shabaab oo sheegtay mas’uuliyadda weerarka shalay dhacay ayaa waxaa ay sheegeen in ay dileen 9 ka mid ah Ciidanka Kenya. Sidoo kale Al-shabaab waxaa ay sheegeen in afar ka mid ah Gaadiidka dagaalka […]

No Comments read more

Rwanda oo la wareegeysa Tahriibayaasha Soomaalida ah ee ku xiran Liibiya

Posted: September 11, 2019 at 6:59 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Dowladda Rwanda iyo Qaramada Midoobey ayaa isku raacay in ay dowladda Kigali la wareegto Maxaabiista Tahriibayaasha ah ee ku jira Xabsiyada dalka Liibiya. Heshiis ay kala saxiixdeen Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Qaxootiga iyo Dowladda Rwanda ayaa waxaa ay isku raaceen in todobaadyada soo socda 500 Qof oo ku jira Xabsiyada Liibiya la dejiyo dalka […]

No Comments read more

Puntland Oo Soo Saartay Ammar Ka Dhan Ah Hubka

Posted: September 11, 2019 at 6:57 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa magaalooyinka maamulkaas ka mamnuucay Askarta iyo dadka kaleba in ay Hub ku dhex qaataan gudaha Magaalooyinka. Taliyaha Booliska Maamulka Puntland Muxiyaddiin Axmed Rooble ayaa waxaa uu sheegay in qofkii lagu arko isaga oo qori ku dhex wata Magaalooyinka hubka lagala wareegi doono. “Laga bilaabo 11-ka bisha September magaalada laga bilaabo barlamaanka […]

No Comments read more

Kheyre Oo La Kulmay Waxgaradka Bakool

Posted: September 11, 2019 at 6:57 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo Magaalada Xudur kula kulmay maamullada degmooyinka Gobolka Bakool iyo Odayaasha dhaqanka , ayaa ka xog wareystay xaladaha ku xeeran dhammaan Degmooyinka Gobolka Bakool. Maamulladda iyo odayaasha oo Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyay booqashada uu ku tagay gobalka Bakool ayaa la wadaagay baahiyha ay qabaan bulshada gobalka […]

No Comments read more

Ra’iisul wasaare Kheyre oo gaaray Xudur

Posted: September 10, 2019 at 11:19 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Ra’iisul wasaaraha Xukumada Faderaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa goordhaw Gaaray Magaalada Xudur ee Xurunta Gobolka Bakool. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo ka ambaxay Magaalada Baydhabo ee Caasimada KMG ah Koofur Galbeed ayaa gaaray Xudur waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Koofur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Laftagareen, Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowlada Faderaalka Soomaaliya iyo Boqolaal […]

No Comments read more

Booliska UK oo baadi goobaya Nin Soomaali ah

Posted: September 10, 2019 at 11:18 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Booliska Magaalada Sheffield ee dalka Ingiriiska ayaa raadinaya Nin Soomaali ah oo lagu magacaabo Cabdi Cali,kaas oo lagu tuhmayo in uu dil geystay. Cabdi ayey Booliska ku eedeeyeen dil loo geystay Shaun Lyall oo la dilay 18kii july sanadkii hore. Wargelin ay soo saareen Booliska UK ayey ugu baaqeen in Cabdi oo 29 jir ah […]

No Comments read more

Ugaas Xasan “annaga Carruur ayaan diidnay ee Ciidan ma diidin”

Posted: September 10, 2019 at 11:17 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Baladweyne ayaa sheegay in dowladda Federaalka ah dooneyso in ay Carruur ka askareyso Magaalada Baladweyne. Ugaaska ayaa sheegay in Taliye ka yimid dhinaca Galguduud oo Baladweyne ku sugan u sheegay in Caruur la doonayo in laga qaado Magaalada Baladweyne lana geeyo Gobolka Galguduud. Waxaa uu […]

No Comments read more