Dani Oo La Kulmay Madaxweynaha Oromada Itoobiya
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa magaalada Adis ababa ee caasimadda dalka Itoobiya kula kulmay Madaxweynaha Maamulka Oromada ee dalka Itoobiya. Madaxweynaha Ismaamulka Oromada Shimelis Abdisa, ayaa Casho sharaf u sameeyay Madaxweynaha Puntland iyo Wafddi uu hoggaaminayay oo booqasho ku jooga dalka Itoobiya.Shimelis Abdisa iyo Siciid Cabdullahi Deni ayaa ka wadahadlay xiriirka labada […]
QM oo diblomaasi Suudaan u dhashay u soo magacowday ku xigeenka James Swan
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa waxaa uu soo magacaabay ku xigeenka Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya. Aadan Cabdul Mulla oo u dhashay Dalka Suudaan sidoo kalena heysta dhalashada Dalka Mareykanka ayaa loo magacaabay ku xigeenka James Swan oo laftiisa Mareykan ah. Aadan waxaa uu kale oo uu […]
Golaha ammaanka oo si wadajir ah u diiday in Alshabaab lagu dhaqo Qaraarka 1267!
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa si wadajir ugu codeeyey diidmo kadhan ah in Dhaq-dhaqaaqa Alshabaab lagu daro laguna dhaqo qaraarka tirsigiisu yahay 1267 kaas oo ay kujiraan Ururada Alqaacidda iyo Daacish oo looyaqaan caalami ahaan ururo argagixiso Danjiraha Soomaaliya ee QM Abuukar Cismaan Baalle ayaa kudaabacay Boggiisa Twitter-ka in golaha Ammaanka ee QM uu […]
NISA: Waxaan Qabannay Shaqsigii Diley Xoghayihii Hore Ee G/Banaadir
Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigtay Ninkii ka dambeeyay dqaraxii dhawaan lagu dilay Xoghayihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamed Amiin. Hay’addu waxaa ay sheegtay in howlgal ay ka sameysay Degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho ku tagtay Guriga ninkaasi ku sugnaa kana soo xirtay. Waxaa kale oo ay Hay’addu […]
Ilhaan Cumar Oo Lagu Baaqay In Laga Saaro Kongareeska Mareykanka
Xisbiga Jamhuuriga Mareykanka ee ka arrimiya Gobolka Alabama ee dalka Mareykanka ayaa meel mariyay sharci lagu doonayo in Ilhaan Cumar looga saaro aqalka Kongareeska ee dalka Mareykanka. Tommy Hanes, oo ah Xildhibaanka Gobolka Alabama ku matala Aqalka hoose ee Mareykanka aya soo jeediyay hindisahan,waxaana ansixiyay Golaha loo soo gaabiyo GOB ee Xisbiga Jamhuuriga ah. Guddiga […]
Mareykanka oo beeniyay duqeyn la sheegay in uu ka geystay Soomaaliya
Dowladda Mareykanka ayaa iska fogeysay Warbixinno ku saabsan weerarro 25kii ilaa 26kii Bishan August ka dhacay Soomaaliya oo la sheegay in ay ka dambeysay. War ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay in wararka ay baahiyeen warbaahinta guduhu aysan ahayn kuwo xaqiiqda ku saleysan. “Waa siyaasaddeenna inaan shaacinno warbixinnada la xiriira weerarrada aanu […]
DFS Oo Beenisay Iney Ka Baxday Heshiiskii Ahlu-sunna
Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Cabdi Maxamed Sabriye oo la hadlay bulshada Dhuusamareeb ayaa shaaciyay in dowladda Soomaaliyeed aysan ka bixin qodob kamid ah heshiiskii ay la galeen Ahlu sunna. Wasiirka ayaa tilmaamay in Xukuumadda iyo Ahlu Sunna ay kala saxiixdeen 10-kii qodob oo muhiim u ah xasiloonida iyo dhismaha Galmudug, […]
DFS Oo Ciidan Kale Geysay Dhuusamareeb
Wararka ka imaanaya Magaaladda Dhuusamareeb ee Caasimada maamulka Galmudug ayaa sheegay in saaka halkaasi gaareen ugu yaraan 3 diyaaradood oo wada Ciidan iyo gaadiid dagaal oo saaka laga qaaday Magaaladda Muqdisho. Wariyayaash ku sugan Magaaladda Dhuusamareeb ayaa soo sheegaya in Garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhuusamareeb ay saakay laga dajiyay diyaarado sida hub badan iyo ciidamo […]
Uganda: Ciidanka Loo Tababaro Somalia Waxay Ku Biiraan Al-shabaab
Dowladda Uganda ayaa ka digtay in Ciidamada AMISOM laga saaro Soomaaliya iyada oo sheegtay in guulaha AMISOM ay fashil ku dhaman karaan. Wasiiru dowlaha Wasaaradda arrimaha dibadda Dalka Uganda, Henry Okello Oryem, ayaa sheegay in Qraamada Midoobey iyo Beesha Caalamka ay doonayaan dhimista Ciidamada iyaga oo ka fiirinaya qarashka ka baxa. Waxaa uu ka digay […]
Sideed Madaxweynayaal hore oo ka qeybgelaya Madasha Koofi Anaan
Madasha Nabadda iyo Amaanka ee Koofi Anaan ayaa ku dhawaaqday sideed Madaxweyne oo sanadkan ka qeybgeleya shirka sanad laha ah ee ay qabato hay’addaasi. Shirka oo ka dhacaya caasimadda Dalka Ghana ee Accra ayaa waxaa ka qeybgelaya sideed ka mid ah madaxweynayaasha Afrika soo maray ee hadda nool. Soomaaliya waxaa uga qeybgelaya Madaxweynihii hore ee […]
Booliiska Oo Xiray Sarkaal Ka Tirsan Gobolka Banaadir
Ciidamada Booliska ah ee Magaalada Muqdisho ayaa xabsiga dhigay Agaasime ku xigeen ka tirsanaa Maamulka Gobolka Banaadir. Agaasime ku xigeenka xilliga la xirayay waxaa uu shir kula jiray Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir waxaana uu ka mid ahaa guddiga qaban qaabada xil wareejinta Maamulka Gobolka Banaadir. Ciidamo ka socda Booliska Gobolka Banaadir ayaa agaasimaha kala […]
Sarkaal Ka Tirsanaa Al-shabaab Oo Lagu Qabtay Muqdisho
Ciidamada amaanka dowladda SOomaaliya ayaa howlgal ay ka sameeyeen Magaalada Muqdisho waxaa ay gacanta ku dhigeen sarkaal ka tirsan Al-shabaab. Howlgalka oo laga fuliyay xalay xaafadda Carafaad ee Degmada Yaaqshiid ayaa lagu sheegay in lagu qabtay sarkaal ka tirsan qeybta Amniyaadka ee AL-shabaab kaas oo aan magaciisa la sheegin. Ciidamada ayaa howlgalka ka fuliyay guriga […]