Ergada ka Qeybgaleysa Shirka u Heshiinta Galmudug oo Dhuusamareeb Ku Wajahan
Guddiga dib u heshiinta Galmudug ayaa wado abaabul lagu soo dhaweynayo wufuud u badan Madax dhaqameed oo ku wajahan Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug. Xubnaha Guddiga oo shalay soo saaray habraaca shirka dib u heshiinta oo shan qodob ka kooban waxaa kamid ahaa, in maanta oo ay ku beegan tahay 14-ka August Ergooyinka […]
Wasiir Cawad oo ka hadlay Sawirkii uu Muuse Biixi kula galay Makkah
Wasiirka arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa ka hadlay sawir wadajir ahaa oo ay Habeen hore wada galeen Wasiirro ka tirsan Dowladda Federaalka ah iyo Madaxweynaha Maamulka Somaliland. Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in kulankii Muuse Biixi, wasiirradiisa iyo Wasiirrada dowladda Federaalka ah ku dhexmaray Magaalada Maka ee dalka Sucuudiga aan looga hadlin […]
Olole Doorasho Oo Ka Bilowday Kismaayo
Qaar ka mid ah xildhibaanada Jubbaland ee shalay la dhaariyay ayaa Magaalada Kismaayo ka bilaabay in ay kulamo kala duwan la qaataan xildhibaanada iyo qeybaha kala duwan ee bulshadda. Saacaddihii ugu dambeeyay ayaa waxa soo baxayay Musharaxiinta u taagan xilka Guddoonka baarlamaanka maamulka Jubbaland oo doorashdiisa ay Magaalada Kismaayo ay ka dhici doonto maalmaha soo […]
Nin Kumanaan Doolar Kala Dhuuntay Xujey
Afhayeenka Culimada Golaha Islaamka Kenya ayaa sheegay in Ninkaasi oo ay magaciisa ku sheegeen Nuur Xasan Cabdi uu 30 qof oo Xujey ah ka ururiyay lacagtii ay ku xajin lahaayeen markii ay lacagta u gaartay $120,000 oo doollarna la waayay halka uu qabtay. Mid ka mid ah dhibbanayaasha oo lagu magacaabo Ibraahim Maxamed ayaa sheegay […]
Habraaca Shirka Dib u Heshiisiinta Dhuusamareeb
Guddiga qaban qaabada Shirka dib u heshiinta Beelaha Galmudug oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa waxaa ay soo saareen habraac la xiriira qabsoomida Shirkaas oo diyaar garoowgiisa uu ka socdo deegaanada Maamulka Galmudug. Guddiga ayaa soo saaray Shan qodob oo uu ku furmo karo shirkaas, oo lagu wado in Magalada Dhuusamareeb uu ka furmo 17 ka […]
Shir DFS Iyo Maamul Goboleedyada Uga Furmaya Baydhabo
Magaalada Baydhaba ee Xarunta Gobolka Baay waxaa maanta ka furmaya shirka Wasaaradaha Boostadam Isgaarsiinta iyo Tignolojiyadda ee dowladda Federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah. Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tignolojiyadda Soomaaliya Cabdi Canshuur Xasan ayaa waxaa ay gaareen Magaalada Baydhaba shalay gelinkii dambe. Shirkan oo uu maanta Wasiirka ka furayo Magaalada Baydhaba […]
Xujey Soomaali ah oo Xajka seegay
Qaar ka mid ah Soomaalidii Sanadkan u xajisay Dalka Sucuudiga ayaa soo laabanaya iyaga oo aan xajiyin sid aay sheegaan. Dad ka badan 400 qof oo Soomaali ah ayaa la sheegayaa in siyaabo kala duwan uu ku seegay Xajka waxaana cilladda ugu weyn ka dhalatay iyaga oo aan garaneyn habka loo guto Acmaasha Xajka sharikadihii […]
Musharraxiin Diidday Xildhibaannada Cusub Ee Jubbaland
Musharrixiinta dowlad Goboleedka Jubaland ayaa si cad u diiday in ay u hoggaansamaan liiska musharrixiinta ee ay xalay shaaciyeen Guddiga doorashada Jubaland Maxamed Ibraahim Shakuul, oo ka mid ah musharrixiinta madaxtinimada dowlad Goboleedka Jubaland ayaa sheegay in aysan raalli ka ahayn xildhibaannadaas. Musharraxa ayaa ku dooday in Xildhibaannada aysan ahayn kuwii ay soo xuleen Odayaasha […]
Kuuriyada Koonfureed Oo Ciidan Usoo Direysa Somalia
Dowladda Koofurta Kuuriya ayaa ku dhawaaqday in ay Markab Ciidan iyo diyaarado dagaal wada u soo direyso biyaha SOomaaliya. Waxaa ay dowladda Kuuriya sheegtay in ciidankaas ay qeyb ka noqonayaan la dagaallanka burcad badeedda biyaha Soomaaliya ka jirta. Waxaa kale oo jira warar sheegaya in Markabkaasi uu qeyb ka yahay ciidamada Gacanka Hurmuz ee uu […]
Korneel Caarre Oo Aqbalay Qaadashada Nabadda
Waxgarad u kala dab qaadayay Xukumada Somaliland iyo Jabhada hubaysan ee uu hogaamiye Col Caare ayaa sheegay in ay guulo ka gaareen wada hadala labada dhinac ee ku aadan in la soo afjayo dagaalka ka dhexeeya. Suldaan Axmed Cismaan (Cadda-gude) oo ahaa guddoomiyaha oday dhaqameedkii dhex dhexaadinayey xukuumadda Somaliland iyo Col Caarre ayaa sheegay in […]
Imaaraadka Oo Faarujiyey Garabka Maraykanka
Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa isaga baxday qeyb ahaan taageeradii waallida ahayd ee ay u heyn jirtay dowladda Mareykanka. Waxaa ay dowladda Imaaraadka Carabta si toos ah uga hortimid bilihii ugu dambeeyay danaha Mareykanka ee Bariga dhexe. Tusaalaha ugu weyn waxaa ka mid ah doodda marinka Hurmuz ee Mareykanka iyo Iraan oo ay Imaaaraadku la safantahay […]
Trump: Ilhaan Cumar iyo Rashida Taib Halaga Mamnuuca Israel
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa maamulka Israel ka dalbaday in aysan Ilhaan Cumar iyo Rashida Taib qaabilin marka ay safarka ku tagayaan Israel iyo Falastiin. Sida uu qoray Wargeyska Axios ee ka soo baxa Washington, Trump ayaa kula taliyay Netanyahu in labada Xildhibaan ee ku jira Baarlamaanka Mareykanka laga mamnuuco Israel. Waxaa uu sheegay in […]